Taliye Dabagalle Oo U Digay Siyaasiyiinta Dhaliila Ciidamadda Booliska

0
501

Hargaysa (HP): Taliyaha ciidamadda booliska Somaliland Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), ayaa digniin u diray kooxo uu sheegay in ay caadaysteen in ay ceebeeyaan oo waxyaabo fool xun ka sheegaan ciidamadda booliska.

Kuwaasoo uu sheegay in u jeedadoodu ay tahay in ay bur-buriyaan shuruucda dalka iyo sharciyadda ay ciidamadda boolisku socodsiiyaan, isla markaana uu qof waliba sharciga gacantiisa ku qaato.

Taliyuhu waxa uu si gaar ah Carabka ugu dhuftay siyaasiyiin ka tirsan xisbiyadda mucaaradka oo isaga ku eedeeyay inuu yahay sarkaal milateri oo aan waxba ka aqoon shuruucda iyo nidaamka ciidamadda booliska.

Sareeye guuto Dabagale, ayaa siyaasiyiinta arrintaasi ku dhaliilay ugu jawaabay in aanay jirin cid uga xaq leh inuu taliyaha ciidamadda booliska, isla markaana xiliyadii ay shacabka reer Somaliland dhibaataysnaayeen inuu difaaca dalkiisa iyo dadkiisaba Dhiigiisa u soo huray.

Sidaas darteedna aanay jirin cid uga xaq leh inuu dalkiisa amnigiisa ilaaliyom shuruucda dalkana socodsiiyo, ay uu uga midho dhaliyo wixii uu u soo dagaalamayay.

Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), taliyuhu waxa uu sidan ka sheegay hadal uu maanta ka jeediyay aqoon korodhsi la xidhiidha arrimaha doorashooyinka oo loo qabtay ciidamo ka tirsan booliska Somaliland.

Taliyuhu waxa uu tilmaamay in ciidamadda boolisku ay khaladaad geli karaan laguna dhaliili karro, iyadoo khaladaadka ay boolisku ku dhacaan ay sabab u tahay shaqadda la hayo. Isagoona xusay in wixii dhaliilo iyo tallooyin toosin ah ay qaadanayaan.

Geesta kale, taliye Dabagale, ayaa ku adkeeyay xisbiyadda ka qayb qaadanaya doorashooyinka soo socda   in ay ilaaliyaan amaanka iyo sharciyadda dalka. Waxaanu ciidamadda booliska xasuusiyay in ay dhex u yihiin asxaabta siyaasadda ee u tartamaysa doorashooyinka soo socda.

 

Daawo: Hadalka taliyaha Booliska:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY