Sool: Maamulka Cusub Ee Degmadda Kalabaydh Oo Xilalka La Wareegay

0
921

Kalabaydh (HP): Xoghayaha fulinta ee gobolka Sool Ibraahim Jaamac Cabdi, ayaa isagoo fulinaya amarka badhasaabka gobolka Sool  ayaa maanta xilalaka u kala wareejiyay maamulkii hore ee degmadda Kalabaydh ee gobolka Sool iyo maamulka cusub ee dhawaan degmadaasi loo soo magacaabay.

Masuuliyiinta uu xoghayaha fulinta gobolka Sool xilalka u kala wareejiyay ayaa kala ah, maayarka cusub Maxamed Cali Hayaan, ku-xigeenkiisa C/laahi Jaamac Baashe iyo xoghaya cusub ee degmadaasi.

Iyadoo masuuliyiintaasi oo ay dhawaan wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland u magacawday degmadaasi.

Waxaana munaasibadii xil wareejinta maamulka cusub ee degmadda Kalabaydh ee gobolka Sool iyo maamulkii hore ka soo qayb galay cuqaasha iyo madax dhaqameedka degaankaasi.

Masuuliyiintii hore, masuuliyiinta cusub iyo xoghayaha fulinta gobolka Sool  ee xilalka u kala wareejinayay iyo aliyaha ciidamadda booliska ee degmadaasi,

Xoghayaha gobolka Sool Ibraahim Jaamac Cabdi, oo hadal ka jeediyay munaasibadii uu masuuliyiintan cusub iyo kuwii hore ee degmadda Kalabaydh ee gobolka Sool xilalka ugu kala wareejiyay, ayaa sheegay in isagoo fulinaya amarkii badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, uu halkaasi u yimid.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu halkan  isugu nimid, in aanu xilka u kala wareejino maamulkii hore ee degmadda Kalabaydh oo ka tirsan gobolka Sool. Maamulka cusub ee loo soo magacaabay degmadda Kalabaydh.

Waxaanu ka kooban yahay xilalkaasi, saddex xil oo kala ah. Maayarka degmadda, ku-xigeenka maayarka degmadda, iyo xoghayaha fulinta degmadda Kalabaydh.   Sidaa darteed, waxaanu xilka ku wareejinaynaa, maamulka cusub ee degmadda Kalabaydh”.

Sidoo kale xoghayaha fulinta gobolka Sool, waxa uu sheegay in maayarkii hore ee degmadda Kalabaydh aanu isagu madasha joogin, isla markaana wixii masuuliyad dawladeed ahayd ee uu hayay uu hore ugu sii wareejiyay maayarka cusub.

Kadib markii uu hawl yeeshay, isla markaana aanay jirin wax agab dawladeed ah oo uu la tegay. “Maayarkii hore ee degmadda Kalabaydh, isagu goobtan kuma sugna.

Laakiin, wax agab ah dawladeed ah,  oo ku maqani ma jirto. Intii aanaan soo gaadhaun ayuu hawl yeeshay, wixii uu hayayna wuxuu ku sii wareejiyay maayarka cusub.

Wixii agab ahaa ee uu hayayna, anigoo ah xoghayaha fulinta ee gobolka Sool  ayaan ku wareejinayaa maayarka cusub”ayuu yidhi Ibraahim Jaamac Cabdi.

Geesta kale Maxamed Cali Hayaan, maayarka cusub ee degmadda Kalabaydh ee shalay xilka la wareegayay oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay tilmaamay in masuuliyiintii hore ee degmadda ay ka dhaxaysay wada shaqayn fiican.

Sidaas darteed ay iyagu-na ka rejaynayaan masuuliyiintii hore in ay la shaqeeyaan. Waxaanu yidhi “Anigoo ah maayarka cusub ee degmadda Kalabaydh ee gobolka Sool, maayar ku-xigeenka cusub iyo xoghayaha fulinta ee degmadda Kalabaydh.

Waxaanu halkan xilalka kagala wareegaynaa masuuliyiintii hore, oo ay naga dhaxaysay wada shaqayn. Waxaanay anaga-na noo balan qaadeen in ay nala shaqayn doonaan”.

Sidoo kale maayar ku-xigeenka cusub ee degmadda Kalabaydh ee gobolka Sool, C/laahi Maxamed, ayaa isna halkaas ka sheegay in ay codsanayaan in loo soo kordhiyo tiradda booliska iyo gaadiidkii ay ku shaqayn lahaayeen.

Si loo sugo amniga degmadda, iyadoo haddii amni la hello ay wax waliba hagaagayaan. Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi,  “Sidaa xoghayaha gobolka Sool uu xilka noogu wareejiyay, masuuliyadii degmadu anaga ayay na saaran tahay.

Haddii amni la hello wax waliba way hagaagayaan. Markaa in booliskii-na loo kordhiyo tiradiisa, gaadiidkii uu ku shaqayn lahaa-na aanu helno, ayaanu codsanaynaa”.

Dhinaca kale waxaa iyagna munaasibadaasi hadallo ka jeediyay qaar ka mid ahaa madax dhaqameedkii ka soo qayb galay xafladda, kuwaasoo sii sagootiyay maamulkii hore.

Halka ay soo dhaweeyeen maamulka cusub ee degmadda Kalabaydh ee gobolka Sool oo ay ka rejeeyeen in ay si masuuliyad leh u gudan doonaan xilalkoodda.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here