Madaxweyne Muuse Biixi iyo Qoyskiisa oo Dacwaynaya Faysal Cali Waraabe

0
1280

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo qoyskiisa ayaa la sheegay inay ka damqadeen eedaymo uu guddoomiyaha xisbiga Ucid dhawaan u jeediyey.

Guddoomiye Faysal ayaa eedaymaha uu u jeediyey qoyskiisa Madaxweyne Muuse Biixi waxay salka ku hayeen inay waddankii ka dhigteen Tukaan ay leeyihiin oo kale.

Eedaymihii Faysal Cali Waraabe u jeediyey Muuse Biixi iyo qoyskiisa ayaa u dhignaa sidan:-

“Muuse Biixi qoyskiisii, carruurtii uu abtiga u ahaa, walaalladii iyo dadkiisii oo dhana waxay galeen ganacsigii oo waddanka dhaqaalihiisii ayuu gacanta ku haystaa, Waa la caddaynayaa inta mashruuc ee ay qaateen oo waa la hayaa wax qarsoona maaha, illaa iyo maantana inta qof ee ehelkiisa ah ee uu meel yar xanjo ugu dhajiyey waa la hayaa waanan ka xishoonaynay markii hore, laakiin haddii uu isagu xishoon waayey waa la is qaawinayaa waana lays kashifayaa.”

Dhinaca kale, xogo soo baxaya ayaa sheegaya in hay’adaha sharciga loo gudbiyey cabasho ay qoyska Madaxweyne Muuse Biixi ka qabaan guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo wax laga waydiiyey cabashadan laga qabo ayaa si kooban uga hadley waxaana uu yidhi “Waan Maqlay arintaas oo suuqa ayaan ka maqlay.”

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Dembi Baadhista Gaashaanle sare Faysal Xiis ayaa ka hadlay dacwadan la sheegay in qoyska Madaxweyne Muuse Biixi ka gudbiyey guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe waxaanu si kooban u sheegay “Anigu maan maqal mana ogi waxaas aad sheegayso.”

Waxa kale oo xusid mudan inuu wali xabsiga ku jiro xoghayihii arimaha gudaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here