Soo Dhawaynta Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Oo Siweyn Looga Dareemaayo Magaalada Hargaysa + SAWIRRO

0
933

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiirka Arrimaha Dibada Iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somalialnd Md: Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa weftidii Madaxwaynaha Somaliland ee dalalka Ireland iyo Ingiriiska ayaa la filayaa inuu maalinta ka soo laabto safarkaasi isla markaana Maanta ka soo dagayo garoonka diyaaradaha Hargaysa.

 

Dhaqdhaqaaqyo xoogan oo lagu soo dhawaynayo Wasiir Maxamed Biixi ayaa laga dareemayaa magaalada hargaysa ee caasimada Somalilnd ,waxana baraha bulshadu ku kulanto buux dhaafiyay sawirada iyo qoraalada lagu taageerayo  Musharaxnimada Wasiir Maxamed Biixi Yoonis .

 

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa  si rasmi ah u shaaciyay inuu yahy Murashaxa Madaxwayanha ee Xisbiga kulmiye  ee madaxwayne Silaanyo dabadii waxaanu  hankaasi ku kasbaday Taageerayaal cudud leh.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here