Wasiirka Jidadka iyo Horumarinta Waddooyinka oo faahfaahiyey qaabka loo hubinayo tayada gaadiidka + waxyaabaha sababta u ah shilalka oo uu soo bandhigay
Hargeysa (HargeisaPress)— Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa sheegay in la bilaabayo nidaam sannadkiiba hal mar lagu qiimeeyo gaadiidka kala duwan ee ay isticmaalaan dadweynuhu, si loola socdo xaaladda baabuurta, loona yareeyo khasaaraha ka dhasha tayo-xumida gaadiidka.
Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan oo waraysi siiyey telefiishanka Somali Cable shalay, waxa uu caddeeyey in la soo bandhigay qandaraaska lagu bixinayo qalabka iyo mishiinnada loo adeegsanayo qiimaynta sannadlaha ah ee lagu samaynayo gaadiidka.
“Waxa jira heer caalami ah (international Standard) oo si sannadle ah loogu qiimeeyo gaadiidka dadweynaha, dalalka Adduunkana waddan walba si ayuu u yaqaan, laakiin innaga (Somaliland) waqtigii Ingiriiska waxa la odhan jiray MOT (Ministry of Transport), waxaannu nidaamkaasi sababaynayaa in aannu sannad walba qiimayn lagu sameeyo baabuur kasta, markaa baabuurka waxa la eegayaa xaaladdiisa, waxaanan keeni doonaa mishiinno aannu u Gudbinay Guddida Qandaraasyada Qaranka, si loogu tartamo, haddii mishiinadaas la keeno waxa suurtogal ah in baabuurta qaarkood la yidhaahdo waa qaar aan la waddan karin (offroad), waana marka qiimeeyo xaaladdiisa, waxaanan dhici karta in mararka qaarkood la yidhaahdo; ‘baabuurkan 20% wuxuu u baahan yahay in la hagaajiyo.’ Oo mararka qaarkood la yidhaahdo; ‘50% waa in baabuurkan la dayactiro.’ Arrimahaasna waxa qaban doona oo qiimaynta lagu eegi doonaa ilaa lix mishiin, waana nidaam aad u casri ah oo aannu jecelnahay in aannu hirgelino, Insha Allaah,” ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku.
Wasiir Cabdillaahi Abokor, ayaa sheegay in nidaamkan gaadiidka lagu qiimayno uu mararka qaarkood culays dhaqaale ku noqonayo bulshada reer Somaliland, gaar ahaan mulkiilayaasha gaadiidka ee dan-yarta ah, balse waxa uu muujiyey in mar walba mudnaanta ugu horaysa la siinayo ilaalinta nafta qofka bani’aadamka ah.
“Su’aasha la isweydiinayo waxa ay tahay Somaliland ma qaadi karaysaa? Anagu markii aannu su’aashaas eegnay waxa noo soo baxday in nafta bani’aadamku tahay waxa ugu sareeya ee Ilaahay abuuray, markaa wax kasta oo aannu naf bani’aadam ah ku badbaadinayno qiimo kasta oo ay nagu kacayso waannu ku bixinaynaa, haddii Ilaahay yidhaahdo, markaa taas ayaannu qaadanay, laakiin waanu ognahay xaaladaha dhaqaale inay adkaan doonto baabuurka caanoolaha ah (gaadiidka caanaha keenaya magaalooyinka), waxaanna laga yaabaa in lagu yidhaahdo baabuurku waa dhaqan-ka-bax (offroad) oo lama isticmaali karo, rakaabna ma qaadi karo, laakiin haddana wax walba waxa ka qaalisan nafta bani’aadamka,” ayuu yidhi Wasiirku.
Md. Cabdillaahi Abokor, ayaa soo bandhigay saddex qodob oo uu xusay inay sabab u yihiin shilalka gaadiidka ku soo badanaya dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Marka loo eego sannadkii 2018, waxa ay shilalka gaadiidku waxa ay kordheen 4% oo ay ka badan yihiin shilalka sannadkii 2017, mana jirin wax hoos-u-dhac ah, waxaanna jira saddex sababood oo arrintaas keena, markaa haddii aanad wax ka qaban sababaha keenay shilalka ama (indicators) shilalku hoos uma soo dhacayaan, saddexdaas sababood ee ugu waaweynina waxay kala yihiin;
- Dirawaliinta oo dadkeena baabuurta kaxeeya aqoon fiican uma laha dirawalnimada
- Gaadiidka oo cidna ma eegto tayada gaadiidkeena, lamana caymiyo oo caymis kuma jiraan, si sannadle ahna looma baadho.
- Qodobka saddexaadna waa waddo-xumada.
Markaa saddexdaas xaaladood ayaa inta badan sabab u ah shilalka dhaca, saddexdaas arrimoodba imminka waxa aannu doonaynaa in aannu wax ka qabano oo xal u helno, waxaanan ugu horaysiinay sidii loo sixi lahaa nidaamka waddista gaadiidka (dirawalnimada) oo dadka aannu imtixaanka ka qaadno 70% way dhacaan, laakiin markii hore wax imtixaankaas dhici jirayba may jirin,” ayuu yidhi Wasiirku.
Waxa kaloo uu sheegay in lagu hawlan yahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka la xidhiidha dhinaca waddooyinka ama jidadka, waxaannu yidhi; “Waxa aannu imminka wadnaa in la eego xaaladda waddooyinka, waxaanan ogaanay in xaaladda waddadu ay 80% sababto shilalka gaadiidka oo waddadaas galbeedka (uga baxda Hargeysa) waxa muddo laba bilood ah ka dhacay 54 shil, markii aannu wax ka qabanay (jidkaas) waxa bil walba ka dhici jiray afar ilaa shan shil, markaa waxa aannu rabnaa in aannu wax ka qabanno dhibaatooyinka waddooyinka ee sababa 80% shilalka gaadiidka oo haddii aannu wax ka qabanno saddexaad arrimood ee sababa shilalka waxa aannu rabnaa in aannu hoos u dhigno shilalka gaadiidka 20% sannadkan lagu jiro ee 2019, Insha Allaah.”
Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, ayaa sidoo kale ka hadlay dhismaha mashruuca lagu maalgelinayo waddada isku xidhaysa dekedda Berbera iyo Itoobiya.
“Mashruucaas oo ka kooban 245 km oo waddo ah, 21 km oo ah waddo culayska lagaga ilaalinayo Caasimadda Hargeysa oo dhinaca woqooyiga ka maraysa (Hargeisa bypass road), toddoba biriij iyo madaarka rayidka iyo xammuulka ah ee Berbera (civilian and cargo airport), markaa waxa uu mashruucaasi ku kici doonaa qiimo lacageed oo dhan ilaa $11 milyan oo doollar, iyadoo muddada aannu rajaynayno in lagu dhammaystiro mashruucan ay dhan tahay 22 bilood ilaa 23 bilood, Insha Allaah,” ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidku.
“Waddada la dhisayo (ee Berbera ilaa Wajaale) waxa uu ballaceedu noqon doonaa 11 mitir oo 8 mitir oo ka mid ah uu noqonayo inta gaadiidku marayo (carriageway), lix mitirna waxa laga dhigayaa garbaha waddada (shoulders), qaadka ama xaddiga loogu talogalay in waddadu qaado (road capacity) ee ay xammili doontaana waa 40 tan iyo wixii ka badan, taas ayeyna awood u yeelanaysaa inay isticmaalaan,” ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan.
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.