Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha la doortey oo kulmay

0
2152

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland ee xilka kasii dagaya, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta qaabiley Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay ee Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Madaxweynaha xilka ka sii degaya iyo Madaxweynaha la doortey, ayaa ku kulmay qasriga Madaxtooyada.

Labada Madaxweyne, ayaa waxaa ay kulankooda iskaga xogwaraysteen arrimo ku aadan doorashooyinkii dalka ka dhacay, xaaladda dalka iyo arrimo kale oo xaasaasi ah.

Kulankan waxa labada madaxweyne ku wehelinayey shir-guddoonka labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre.

Madaxweynaha cusub ee la doortey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa ku guulaystay doorashadii madaxtnimada ee Somaliland ka dhacday 13-kii bishan aynu ku jirno ee November, iyadoona Madaxweynaha la doortay iyo ku-xigeenkiisu ay heleen boqolkiiba 63.92, halka musharxiintii Kulmiye ay heleen boqolkiiba 34.81.

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland, ayaa waxaa la filayaa inuu xafiiska la wareego bartamaha bisha December, isagoona noqonaya Madaxweynihii 6aad ee ay Somaliland yeelato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here