Hargeysa (Hargeisa Press)- Kulan loogu duceynayay allaah ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo, ayaa waxaa habeenimadii xalay ahayd lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Kulanka loogu duceynayay marxuum Madaxweyne hore Axmed Siilaanyo, ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka mid ah golaha Wasiirrada xukuumadda xilka kasii dagaysa, madaxda xisbiyada qaranka, siyaasiyiin, ganacsato, aqoonyahan, madax-dhaqmeed, culimaa udiin iyo masuuliyiin kale.
Masuuliyiinta ka qayb gashay kulanka ducada, ayaa waxaa ay dhamaantood si qoto dheer uga warameen taariikhdii marxuum Axmed Siilaanyo iyo doorkii halganka ee uu ka soo qaatay dalka Somaliland.
Waxaanay dhammaantood ka markhaati kaceen in marxuum Axmed Siilaanyo ahaa shaqsi karti badan oo halgamaa ah, door weyna ku lahaa ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Madaxweyne Siilaanyo oo soo noqday Madaxweynihii 4-aad ee Somaliland iyo sidoo kale Wasiirkii Qorshaynta ee ugu horreeyey Soomaaliya xilligii kacaanka.