Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay qoyska Marxuum Axmed Silaanyo

0
1130

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu caawa kulan la qaatay qoyska marxuum Madaxweyne Axmed Silaanyo oo ay rafiiq siyaasadeed iyo saaxiibtimo guuna ahaayeen aabbahood.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa waxaa uu ubadka dareensiiyey inay qoyska reer Silaanyo iyo Reer Biixi yihiin kuwa is ah oo marwalba, isla qaybsanaya dhib iyo dheefba, uguna jiro kaalintii waalidnimo.

Kulankan oo madaxweynuhu mar kale uga tacsiyadeeyey Qoyska geeridii ku timi Madaxweynihii Afraad ee Qaranka Somaliland ku lahaa taariikhda ma guurtada ah ee ku xardhan qarannimada iyo quluubta shacbiga Somaliland.

Dhinacooda qoyskuna waxa ay madaxweynaha, shacbiga Somaliland iyo bulshada ku hadasha afka Soomaaliga, intii kala soo qayb-gashay iyo intii aan wakhtigu u saamixin, balse hawada u soo mariyey uga mahadnaqeen tacsidii iyo baroordiiqdii ay la qaybsadeen ka qoys ahaan.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo ale ha naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Axmed Siilaanyo, ayaa ahaa saaxiibo waayo kala duwan isla soo qaatay, ilaa halgankii dalka lagu xoreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here