Somaliland: Xoghayihii Warfaafinta Xisbiga WADANI oo is-casilay iyo Cirro oo ka Hadlay

0
1100

Hargeysa, (HargeisaPress) —Xoghayihii Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka WADANI, Boobe Yuusuf Ducaale ayaa Maanta Xilkii iyo Xubinimadii xisbiga ka hayey iska-casiley, isagoo sheegay in is-beddelkii uu ka rabay Xisbiga WADANI aanu ku Arag, isla markaana usoo jeediyey dhaliilo uu arko in wax laga qabto.

 

“Aniguna xisbiga WADDANI uma aan gelin ugumana jirin, uguna jiri maayo in aan cid ku Raalli-geliyo. Alle ayaa raalli-gelinta hore iga mudan. Hanbada Raalli-gelintana Shacbigaa tabaalaysan ee hashoodii lagu hor maalayo iyaga oo gaajaysan ayaa iga mudan”ayuu yidhi Boobe Ducaale oo ka hadlay ka tagista xisbiga WADANI, waxaanu intaas ku daray “.Waa sidii uu Hadraawi u yidhi oo: “Derejiyo xil laygu taxo, uma korin darmaanta.” horay ayaan wasiir u soo noqday, shan bil kaddibna aniga ayaa ka codsaday madaxweynaha inuu xilka iga qaado, wuu iga oggolaaday waanu ku mahadsanaa. Xisbiga Waddani waxaan u galay in aan ka qayb-qaato sixitaanka waxyaabo aan is-lahaa way qaldameen waxaana noo qorshay-snaa in aanu gudihiisa ka suuro-gelinno is-beddel togan oo ka dhaca qaybo ka mid ah wejiyada nololeed ee dalka. Waayo-aragnimadaydii gaabnayd waxan ku ogaaday in aanu xalku ku jirin xukuumadda oo wax laga beddelo, laakiin uu xalku ku jiro in Xisbiyada soo dhisa Xukuumadaha wax laga beddelo.”

 

Xoghayihii warfaafinta ee xisbiga WADANI Boobe DUcaale oo tilmaamaya sababta ugu weyn ee uu uga baxay xisbiga waxa uu yidhi“Is-ma aan lahayn Xisbiga Waddani waxaad ugu tegaysaa: Xarun madhan, xafiisyo madhan, xurmo madhan iyo xilal madhan; sidii aan isku lahayn saluug badan ayaad Xukuumadda ugu tegaysaa markii aan ka Hawl-gelayay. Taasina waa tan salowga iyo saluugaba beertay, Saqaafahana keentay. Sarriiga-shada iyo bir-ma-geydada siyaasadeed waa sunne aan kursiga loo sadqayn karin.Waayo-aragnimada taban ee aan Xukuumad iyo Xisbiba kala kulmay waxa ugu mudan sida ay hawl-galladoodu u yihiin qosol-ku-jabka iyo hugunka. Hadba waxa igu soo dhaca beyd uu lahaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo uu suugaanta ugu ab-tirinayay, waxaanu yidhi: “Haddii anay luulidu kuu taxnayn, labacu waa been,”

 

Waxaanu intaas ku daray “Ugu danbaynna, maanta oo ay taariikhdu tahay 5ta bisha Maarj, 2016ka waxaan iska casilay xilkii Xoghayaha Waaxda Warfaafinta ee Xisbiga Waddani iyo xubinnimadii, labadaba.

 

Kama xumi inaan Xaruntii iyo Xilalkii Madhnaa ka tago, Waxaanse aad uga Xumahay in aan ka tago tobannaan kun oo xisbigaa xubno ka ah ama taageera oo gudaha iyo dibaddaba jooga oo iyaga oo niyad-san doonayay in is-beddel kheyr qaba togan dhaliyaan”.

 

Dhinaca kale, gudoomiyaha xisbiga mucaaradka WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro oo ka hadlay iscasilaadda Boobe Yuusuf Ducaale ayaa sheegay in wax iska caadi tahay in qofku marka uu doonnana xisbiga iman karo marka uu rabana ka tagi karo.

 

Guddoomiye C/raxmaan Cirro ayaa sheegay inaanu Boobe Yuusuf Ducaale Wax ogaysiin ah soo siin, isla markaana qoraal iyo telefoon toonna aanu kula soo xidhiidhin, waxaanu yiri. “Waxaan u arkaa arrin caadiya inuu is casilo xoghayihii warfaafinta xisbiga WADANI Boobe Ducaalle, mudaan wada shaqaynaynay si wanaagsan baanu u wada shaqaynay wax dhibaato ah ma jirin, xoghayuhu iguma soo war galin inuu is casilayo wax qoraal ah iyo wax telefoonna iguma soo sheegin, Boobe isaga markii horaba xisbiga yimid imikina isaga doonay inuu ka tago wax dhib ahna uma arko”.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here