Somaliland: Wasiirka Ganacsiga Oo Maanta Xadhiga Ka Jaray Xarunta Ganacsiga GOOGAA Oo Ah Qayb Ka Mid Ah Shirkadda Dollar Store + Daawo SAWIRRO

0
1431

carwada 732Hargeysa,(HargeisaPress) — Shirkadda Dollar Store, ayaa maanta qayb ganacsi oo cusub ka furatay Magaalada Hargeysa. Waxaa xadhiga ka jaray Daahfurka goobtaasi Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Muuse Qaasim.

Xaruntan Ganacsi oo Magaceedu Yahay GOOGAA  ayaa laga furay Suuqyaraha Deero mall ee Hargeysa, waxaana Munaasibada Furitaanka ka soo qayb galay Wasiirka ganacsiga, wasiirka Warshadaha, Wasiir xigeenka, Maayarka Jabuuti, maayarka Hargeysa, Masuuliyiinta Shirkadda Dollar Store, Ganacsato iyo Marti Sharaf kale.

Maayarka Jabuuti
Maayarka Jabuuti 

Mulkiilaha ayaa sharaxaad ka bixiyay Xaruntan ganacsi ee maanta la furay“Waxaynu Maanta Daah-furaynaa goob ganacsi oo cusub oo Casri ah oo ka soo jeeda Kambanigan Dollar Store. Goobtan ganacsi waxaa loogu magac daray Magac Aff-soomaali ah oo aan runtii mudo raadinayay inaan suuro galiyo oo mar uun la helo Kambani Magac Soomaali rasmi ah leh. Intaas ka dib Ilaahay wuxuu noo suuro galiyay inaanu helo Magac Aff-soomaali ah oo aan filayo inay hadda Soomaaliga ka sii dabar go’ayso oo ah Kalmada la yidhaahdo GOOGAA.” Ayuu yidhi Mulkiile Axmed Cumar

Mulkiilaha Shirkadda Dollar Store waxa uu sharaxaad ka bixiyay waxyaabaha ay Goob ganacsiga Googaa kaga duwan tahay Qaybaha kale ee Dollar Store  waxaanu yidhi “GOOGAA waa Goob Ganacsi oo u qaabaysan qaabka casriga ah ee maanta dunidu u shaqayso, haddii ay tahay xagga Shaqada, xagga Shaqaalaha iyo Xagga Alaabtaba. Runtii dhinac walba oo ay tahay waxaanu galinay tacab badan iyo aduun badan si aanu u suurto galino Goob ganacsi oo Mushtamaca iyo Macaamiishayaduba ku qancaan.”

Mulkiilaha Shirkadda Dollar Store Axmed Cumar Cali
Mulkiilaha Shirkadda Dollar Store Axmed Cumar Cali

Axmed Cumar Cali Waxa uu sidoo kale sharaxay qaybaha ay ka kooban tahay Xarunta GOOGAA “Googaa waxay ka kooban tahay qayb Rag iyo qayb Dumar. Waxa halkaas yaala wixii Rag u baahnaa oo dhan, haddii ay tahay xagga labiska, xagga dukaamaysiga iyo dhinac walba. Sidoo kalena Baahiyaha dumarka oo dhan ayaa yaala oo nooc walba leh” ayuu yidhi Mulkiile Axmed.

Mulkiilaha Xaruntan Ganacsi Axmed Cumar Cali waxa uu sheegay inay sidoo kale dhinac shaqo abuurka qayb ka tahay islamarkaana ay ka shaqaynayaan ilaa 15 dhalin yaro ah badankoodu ka qalin jabiyay Jaamacaddaha qaarkoodna wali dhigtaan.

Carwada Googa 3

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri oo isna ka hadlay Madasha lagu daahfuray Xarunta ganacsi ee GOOGAA ayaa sheegay in Mulkiilaha Shirkadda Dollar Store tusaale u yahay fursadaha ganacsi ee Somaliland ka jira. Waxa uu sidoo kale sheegay inuu tusaale u yahay dhalin yarada tahriibayso oo dalkooda ka heli lahayd fursado badan.

Maayarka Caasimada Dalka Jabuuti Mr Xuseen Qayaad ayaa isna hadal kooban ka jeediyay munaasibada waxaanu sheegay inuu Somaliland ku arkay waxyaabo badan oo cajab galiyay “ waxyaabo badan oo I cajab galiyay ayaan Hargeysa ku arkay, waxa weeye Rag dhalin yaro ah oo wadankoodii maalgashanaya oo ku kalsoon oo ku qanacsan inay wadankooda wax ka samayn karaan. Tusaalena u ah dhalin yarada tahriibaya ee dalal shisheeya haybsanayana inay dalkooda wax ka soo saari karaan” ayuu yidhi Maayarka Jabuuti.

Carwada googa

Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Nuur, Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Soltelco, Wasiir xigeenka Kaluumaysiga Cabdikariin Axmed Mooge iyo masuuliyiin kale oo iyana halkaasi hadalo ka jeediyay ayaa ka marag kacay dedaalka Mulkiilaha Dollar Store iyo sida ay Xarumaha shirkaddiisu uga qayb qaadanayaan horumarka dalka iyo bilicda Magaalooyinka. Waxayna ugu duceeyeen in Xaruntan kalena noqoto mid Barakaysan oo horumarta.

Wasiirka Ganacsiga Mudane Muuse Qaasim, ayaa isna ka hadlay ahmiyada Ganacsigu u leeyahay dalka, isagoo tilmaamay qorsheyaal lagu ilaalinayo Xuquuqda Ganacsiga oo wasaaraddiisu wado.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaynu maanta halkan u fadhino daahfurka Kambanigan Magaca wanaagsan leh ee Googaa. Anigoo ah wasiirkii ganacsiga waxaan balanqaadayaa inaanu ilaalino Magacaa GOOGAA oo aan Cid kale Qaadan, rugta Ganacsiguna masuuliyadaas way leedahay. Waxaanu balan qaadaynaa inaanu dhiiri galino Dhalin yarada samaynaysa Meherado leh Magac Soomaali ah. Waxaanuna balan qaadaynaa inuu Magaca Meheradi leedahay gaar u ahaan doono oo an cid kale Isticmaali Karin. Haddii GOOGAA halkan laga furay inaan googaa kale oo cid kale leedahay daantaas iyo meel kale toona laga furin ayaanu balanqaadaynaa”.

P1010108

Gabagabadii ayaa Masuuliyiinta iyo marti sharaftii Munaasibadaasi ka soo qayb gashay la gudoonsiiyay Haddiyado Shirkaddu ugu talo gashay, iyadoo sidoo kalena ay soo wada indho-indheeyeen qaybaha Xaruntan ganacsi sida qaybta dumarka iyo Qaybta raga iyo Alaabooyinka yaala.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here