Somaliland: Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Oo Iclaamiyay In La Tukaddo Roob-doon

0
819

Hargaysa (Hargeisa Press): Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw-qaafta  Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed,  ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabku inay isugu soo baxaan tukushada salaad roob doona Axada soo socota.

Sidoo kale waxa uu guud ahaan shacabka reer Somaliland ka codsaday inay is wada saamaxaan, islamarkaana ay soomaan muddo saddex cisho ah.

Waxaanu Wasiirka diinta iyo aw-qaafta mudane Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed sidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa.

Wasiirka diinta iyo aw-qaafta  oo  arrintaa ka hadlayay waxa uu yidhi “Maadaama aynu nahay dad Muslin ah, marka uu sidan oo kale roobku dib u dhaco, raxmaduna raagto, waxaa rasuulkeenu SCW ina faray in aynu u tukano Illaaheena.

Sidaa daraadeed aniga oo ku hadlaya magaca madaxweynaha qaranka Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi.

Waxaan farayaa umadda reer Somaliland in ay Alle ka cabsadaan, ugu horreynna Illaahey u toobad celiyaan, isa saamaxaan, kana qayb qaatan salaada roob doonta ah oo ka dhici doonta dhammaan goboladda iyo degmooyinka dalka Somaliland”.

“Maalinta Axada ee fooda inagu soo haysa.  Taasoo waafaqsana 9-bisha Shabcaan 1440, ee taariikhda hijiriyad, saacadu markey tahay sagaalka subaxnimo, goboladda uu kuleylku ka jiro waxaa ay iyagu ka dhigan karaan siddeeda subaxnimo.

Laakiin sagaalka ayaa inoo ah wakhtiga aynu dhammaanteen Illaahey u jeedsaneyno, warbaahintana waxaan ka codsanaya in sidii cadaada inoo aheyd aad bulshada ku baraarujisaan”ayuu yidhi wasiir Khaliil.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kaloo aan bulshada ku wargelinaya inay saddex cisho soomaan, masaajidana laga sameeyo khudbado la xidhiidha sidii dadka ay kheyrka ugu soo jeedin lahaayeen”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here