Somaliland: Wasaarad Shaqo Abuur U Samaysay 25 Qoys

0
1012

Hargaysa (HP): Wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland ayaa shaqo abuur u samaysay 25 qoys, taasoo qayb ka ah mashruuca shaqo abuurka qaranka Somaliland.

Munaasibad mashruucaasi lagu shaacinayay oo manta lagu qabtay xarunta wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda ee magaaladda Hargaysa.

Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Hinda Jaamac Gaani, agaasimaha guud ee wasaaradaasi, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsiga, agaasimaha guud ee wasaaradda maalgashiga.

Masuuliyiin ka socday haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda shaqo gelinta, iyo sidoo kale madaxa xidhiidhka dadweynaha ee Amal Bank.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here