Wasiirka Beeraha Oo Hadhimo Sharafeed U Sameeyay Hogaanka Cusub Ee SOLJA

0
503

Hargeisa (Hargeisa Press): Wasiirka beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa munaasibad qado sharaf ah u sameeyay hogaanka cusub ee ururka SOLJA ee dhawaan la doortay.

Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay wasiirradda wasaarradaha warfaafinta, ganacsiga, taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka, masuuliyiin ka tirsan hogaanka xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka qayb galay guddoomiyihii hore ee ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), iyo xubno ka tirsan warbaahinta madaxa banana ee Somaliland.

Axmed Muumin Seed, ayaa ku tilmaamay qado sharafta uu u sameeyay hogaanka cusub ee SOLJA mid uu ku dhiiri gelinayo, isla markaana ay masuuliyiin qaran ahaan warbaahintu ka mudan tahay in la gacan siiyo.

Waxaanu kula dar-daarmay in mudadda ay xilka hayaan hogaanka cusubi in ay u gutaan si sharaf leh oo masuuliyadi ku dheehan tahay.

Geesta kale guddoomiyaha cusub ee ururka SOLJA Sekeriye Axmed Muxumed, ayaa isna wasiirka beeraha uga mahad celiyay munaasibadda qado sharafta ah ee uu u sameeyay.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here