Somaliland: Tartanka Horyaalka Kooxaha Kubbadda Kollayga Oo Furmay

0
483

Hargaysa (HP): Tartanka horyaalka ciyaarraha Kubbadda Kollayga Somaliland ayaa xalay si rasmi ah iga furmay garoonka Tima Cadde ee magaaladda Hargaysa.
Waxaana tartankaasi xalay si rasmiya u furay wasiirka wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxamed.


Sidoo kale waxaa furitaanka tartankaasi. Ka qayb galay agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradaasi C/rashiid Caydiid Yaasiin, agaasimaha waaxda xidhiidhka Kubbadda Kollayga Maxamed Yuusuf, iyo masuuliyiin kale.
Tartankani ayaa socon dooonna murdo afar bilood waxaana ka qayb qaadan doona kooxaha horyaalka ee Kubbbadda Kollay ee Somaliland.
Qabashadda tartankani kooxaha horyaalka Kubbadda kollayga iyo tartamada kooxaha kubbada cagta oo muddo ka socday caasimadda Hargaysa ayay u jeedada laga leeyahay tahay sidii wax looga bedeli lahaa qaabkii hore ee ciyaaraha.


Sida uu sheegay wasiir Boos Mirre, waxaanu wasiirku u mahad celiyay wasaaradda maaliyadda Somaliland oo bixisay maalgelinta qabashadda tartamadani ciyaaraha.


Sidoo kale wasiir Boos, ayaa ugu baaqay shirkadaha waaweyn ee gaarka loo leeyahay in ay wax ku soo celiyaan dhalinyarada, isla markaana ay ka qatn qaataan dhiiri gelinta ciyaaraha.

DAAWO: FURITAANKA TARTANKAASI:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY