Wefti Uu Hogaaminayay Badhasaabka Xaysimo Oo Komreer Ku Tegay Degmadda Xaliim

0
561

Taleex (HP): Badhasaabka gobolka Xaysimo C/rashiid Maxamuud Xiir,  iyo wefti uu hogaaminayay ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay  degmadda Xaliim oo ah degmadda wax soo saarka gobolka Xaysimo.

Waxaana badhasaabka kormeerkaasi ku wehelinayay badhasaab ku-xigeenkiisa, maayarka cusub iyo maayar ku-xigeenka degmadda Taleex.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Xaysimo, taliyaha qaybta ciidamadda milateriga ee aagaasi iyo xubno ka mida golaha deegaanka cusub ee dhawaan la doortay ee degmadda Taleex, iyo xubno madax dhaqameed ahaa.

Waxaanay masuuliyiintaasi soo kormeereen qaybaha kala duwan ee goobaha ay bulshadda degmadda Xaliim addeegyadda aasaasiga ka helaan, iyo baahiyaha kala gedisan ee  ka jira degmadda ee u baahan in wax laga qabto.

Iyadoo ay dadweynaha degmadda Xaliim, oo uu hor kacayay guddoomiyaha degmadaasi ay si diiran u soo dhaweeyeen badhasaabka Xaysimo iyo weftiga uu hogaaminayay, isla markaana ay meel fagaare ah kala hadleen dadweynaha.

Guddoomiyaha gobolka Xaysimo C/rashiid Xiir, oo la hadlayay dadkii soo dhaweeyay ee degmadda Xaliim, ayaa sharaxay u jeedadda safarka ay ku tegeen degmadaasi.

“Waxaanu is nidhi, aan ugu horayno safarkeena meesha aynu tegayno, degmadda taariikhiga ah ee xadaarrada iyo wax soo saarka beeraha, ee gobolka Xaysimo, ee Xaliim” ayuu yidhi badhasaabka Xaysimo.

Badhasaabku waxa uu  bulshadda degmadda Xaliim u sheegay in safarka ay ku wehelinayaan xubnihii golaha deegaanka Taleex ee ay dhawaan doorteen, oo uu ka mid yahay maayarka cusub ee degmadaasi.

Kuwaasoo sababtii ay u doorteen ay ahayd in ay dadkoodda u shaqeeyaan, una addeegaan oo ay ka shaqeeyaan danahoodda, horumarkiina iyo amnigiina.

Waxaanu yidhi, “Golahan deegaanka cusub ee aanu idiin wadno, waa kuwii aad doorateen. Codkiina aad siiseen, kalsoonidda aad siiseen, waxaanad u siiseen in ay idiin addeegaan, oo ay ka shaqeeyaan danihiina, horumarkiina iyo amnigiina”.

Geesta kale maayarka cusub ee golaha deegaanka degmadda Xudun, ayaa isna u balan qaaday dadweynaha degmadda Xaliim, in ay ku dedaali doonaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen wax ka qabashadda baahiyaha ay qabaan bulshadda degmadaasi.

Maayarka ayaa sidoo kale bulshadda Xaliim, kula dar-daarmay in ay dawladda Somaliland la shaqeeyaan si loo hello amni suuro gelin kara in wax laga qabto addeegyadda ay u baahan yihiin.

Waxaanu yidhi, “Waxaanu balan qaadaynaa, in dedaalkayaga meesha ugu saraysa aanu gayno. Baahiyahoodana aanu u gudbino cidii aanu is leenahay wax bay ka qaban kartaa, oo ay koow ka tahay dawladda Somaliland.

Dadka reer Xalimeed, waxaan leeyahay dawladu waa sidii Hal maddi ah oo kale. Hasha Maddiga ahna haddii Candhada laga gujiyo, way gaagaxaysaa. Laakiin, haddii si fiican loo godlo, way godlanaysaa, waanad ku badhaadhaysaan.

Aniga iyo badhasaabka iyo masuuliyiinta kaleba in wixii baahi ah, ee aanu aragno in aanu gaadhsiino xukuumadda Somaliland”.

Dhinaca kale guddoomiye ku-xigeenka gobolka Xaysimo Jaamac Ciise Shaacuur, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay dadweynihii sida fiican u  soo dhaweeyay.

Tuuladda Xalin, ayaa ah mid caan ku ah dhinaca beerraha, taasoo ay bulshadeedu intoodda badan beeraha tabcadaan.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY