Madaxweyne Biixi Oo Booqday Dhalinyarada Carbiska Shaqo Qaran

0
1094

Darar-weyne (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo Jimce ah waxa uu wakhti la soo qaatay Dufcadda saddexaad ee dhalinyaradda barnaamijka shaqo qaran ee ku jira dugsiga Carbiska Tababarka Shaqo Qaran ee Darar-weyne.

Ugu horayn waxa madaxweynaha ku soo dhaweeyey hadalka agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) oo madaxweynaha warbixin ka siiyey heerka ay marayso dufcadii saddexaad ee shaqo qaran oo dhawaan qalin-jebin doonta.

Waxaanu madaxweynuhu dhalinyaradda u jeediyey Khudbad muhiima oo la xidhiidha muhiimada laga leeyahay in qarankan ay u soo baxaan dhalinyaro fahansan qiimaha waddaniyada.

Waxaanu yidhi madaxweynuhu “Waxaan aad iyo aad idiinku hambalyeynayaa dhalinyarada shaqo qaran ee tababarka ku jirta inaad doorateen inaad shaqo qaran noqotaan oo dalkiina u shaqaysaan, taasoo ka makhraati kacaysa inaad tihiin da’a yar dalkooda jecel oo annigu maxaan helayaa ka horumariyey dalkaygu muxuu helayaa, inaad fekerkaa qaadateen oo diyaar u tihiin inaad dalkiina mustaqbalka u shaqaysaan.

Waxaan aad iyo aad idiinku hambalyeynayaa intii aad halkan ku jirteen oo uu dalka ka jiray Cudurkii Covid19 oo muddada intaa leeg xidhnaydeen, adkaysiga intaa aad u dul qaadateen ee caafimaadkiina ku ilaaliseen iyo madaxda xerada oo iyaguna u diiday cid idiin soo gasha oo dayrka soo dhaafta taasoo Waalidkiin, Saaxiibadiin iyo xaasaskiinii inaad intaa ka xidhnaydeen samirka aad u qaadateena waan idinku hambalyeynayaa”.

Madaxweynaha oo sii wata khudbadiisa ayaa dhalinyarada u sheegay inay maanta ugu yimaadeen booqasho.

“Maanta waa Jimce waxaan u nimi inaan wada qadayno in aan idin soo eegno oo maanta wada joogno oo wada qadayno ayaanu idiinku nimi.
Shaqo qaran waad akhrideen waa laydinka horeeyey, waad ogtihiin waxaad qabanaysaan, Xeradan Alle haka abaal mariyee waxaa dhisay Ciidanka Qaranka, iyagaa bilaabay qorshaha iyagaa lahaa duruusta lagu dhigaayo iyo falsafada ka danbaysa oo dhana iyagaa lahaa”ayuu yidhi madaxweynuhu.

Waxaanu Madaxweynuhu dhalinyarada u sheegay in la doonayo in shaqo qaran ay noqoto mustaqbalka dhaw meel qaranka oo dhan lagu tababaro.
Waxaanu yidhi “Shaqo qaran maaha dhalinyarada oo qudha, xeradan waxa loogu tallo galay oo loo sameeyey Hoolalkan, Qalabkan iyo adeegan waxaa loo samaynayaa in halkani noqoto in qaranka oo dhan lagu tababaro, ciddkasta oo hawsha qaranka u tababaranaysa, Wasaaraddo, Akadamiyaddo.
Ciiddamo inay noqoto halkani Saldhiga Akaadami oo isku xidha qaranka, waxa la yidhaahdo dawladd wanaaga iyo sharciga dalka (Civil Education) dadka lagu baraayo dawladnimada iyo sharciga inaynu dhammaan isku xidhnaanno waa xarunta laga doonayo inay noqoto mustaqbalka”.

Madaxweynaha waxa uu u mahad naqay hoggaaminta wanaagsan ee uu la yimi Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka).

Waxaanu yidhi “Muddo gaaban waynu arkaynaa Ilaahay mahadii dhismaha inoo hirgalay iyo adeega inoo hirgalay iyo inta ay leedahay, mustaqbalka dhaw waxaan filaynaa in kumanaan isdaba joogaa kasoo baxaan taana waxaa mahadeeda leh dadkii aqoonta weyn u lahaa Ciidamada ee qorshahaa dheer inoo dejiyey iyo dhalinyaradii kasoo qeyb gashay kuwii u horeeyey iyo Agaasimaha Barnaamijka Shaqo Qaran, ninkaasi oo keenay hoggaamin aad iyo aad u wanaagsan intii uu halkan hayey, isagana ay sharaf u tahay intii halkan ka baxday maanta ay u arkaan Macalinkoodii meel walba oo ay joogaan ku ixtiraamaan.

Madaxeynuhu waxa u sheegay in tiro hablo ahi galeen saraakiisha Ciidamada kala duwan balse hadda loo baahan yahay in Hablaha leh Xirfada Caafimaadku ay galaan Saraakiisha Ciidamada “ Tiro hablo ah ayaa waagii dhawayd ciidamada galay, waxaa aan aad ugu faraxsanahay inay Hablo aad u badani diyaar u yihiin inay saraakiil noqdaan oo ciidamada galaan, waxaan idiin sheegayaa Hablaha shaqo qaran ciidamada qaranka ee kala duwan waxay u baahan yihiin hablo saraakiil laga dhigo oo leh aqoonta Caafimaadka , xirfada caafimaadka wixii gabadh yaqaana ee Jaamacad ka baxday sarkaal iyadoo noqonaysa tababar yar maraysa, waayo hablihii xirfada caafimaadka aad iyo aad bay ugu wanaagsanaadeen waana loo boggay”.

Khudbadda ka dibna madaxweynuhu waxa uu la tukaday dhaliyarada shaqo qaran salaadii Jimce, markii laga baxayna waxa uu la galay safka qadada ee dhalinyaradu u gasho wakhtiyada qadada, quraacda iyo cashada isagoo la fadhiisto hoolka cuntada iyadoo ay hareero fadhiyeen qaar ka mida dhalinyarada shaqo qaran oo nasiib u yeeshay in madaxweynaha ay miis kula cunteeyaan.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY