Shirweynaha Golaha Dhexe ee Kulmiye oo lagu doortay Musharraxiinta Madaxweynenimada + SAWIRRO

0
800

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shirweynaha xubnaha golaha dhexe ee KULMIYE ayaa maanta si rasmiya u doortay musharaxa madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeen ee xisbiga KULMIYE, kuwaasoo ay u doorteen Muuse Biixi Cabdi inuu noqdo musharraxa madaxweyne ee xisbiga iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo isna loo doortay musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbigaasi.

ergooyinka 1

Madaxweyne Siilaanyo oo isagu hore u sheegay inuu musharax madaxweyne yahay, isla markaana teeramkiisa labaad dhamaysanayo ayaa madasha ka cadeeyey inuu ka tanaasulay musharxnimadii, isla markaana si xor oo xalaal ah loogu tartami doono xisbiga gudihiisa.

shirweynaha 22

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaana musharaxnimaddii iskugu soo hadhay gudoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo ahaa musharaxa kaliya ee u taagnaa jagadda musharaxnimo ee madaxweynenimo, halka musharax madaxweyne ku xigeena u sharaxnaa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici iyo wasiirka Caafimaadka Dr:Saleebaan Xaglo Toosiye.

shirweynaha golaha dhexe

 

Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu u codeeyey 344 xubnood, halka ay diideen14 xubnood , waxaana ka aamusay toddba xubnood, wuxuuna sidaasi ku noqday musharaxa xisbiga Kulmiye uga qayb galaya doorashada 2017-ka.

shir 02

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kalena C/raxmaan Saylici iyo Xaglo Toosiye oo tartan adag dhexmaray ayaa markii ay codeyntii gaadhay is mari waayeen ka dibna waxa qaabkii loo codeynayey laga dhigay in kaadhadhka laga soo ururiyo si ay u kala cadaato codeyntu, waxaana halkaas ku guuley-stay C/raxmaan Saylici oo helay 230 cod, halka uu Xaglo Toosiyana helay 114 cod.

shirweynaha 22 00

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Intaas kaddib wasiir Saleebaan ayaa hambalyeeyay musharaxnimada Muuse Biixi iyo C/raxmaan Saylici. waxaanu sheegay inuu aqballay guusha musharaxiinta ku guulaysta, balse wuxuu farta ku fiicay khaladaad uu ku arkay qaabka codku u dhacay , wuxuuna madaxweynaha ku dhiiri galiyay in la saxo hanaanka doorashada Kulmiye mustaqbalka dambe, isagoo intaas ku daray in midnimada Somaliland ka go’an tahay, isagoo sheegay inuu siyaasadda u da’ayar yahay.

shirweynihi kulmiye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Si kasta ha ahaatee, waxa maanta soo afjarmay loolan adag oo sannadihii u dambeeyey ka dhex-jiray xisbiga Kulmiye dhexdiisa, waxaana gabi ahaanba shirka aan kasoo qayb-galin musharaxiintii u taagnaa jagadda musharaxnimo ee madaxweynenimo ee xisbiga kulmiye dhexdiisa, kuwaas oo hogaanka xisbiga iyo madaxweynaba ku eedeeyey in aanay dhex u ahayn musharaxiinta.

Madaxweyne Siilaanyo oo gacan qaday Muuse Biixi Markii loo doortay Musharaxa Xisbiga Kulmiye
Madaxweyne Siilaanyo oo gacan qaday Muuse Biixi Markii loo doortay Musharaxa Xisbiga Kulmiye

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhinaca kale, waxa amaanka aad loo adeeyey goobtii shirku ka dhacayey, iyadoo illaa xallayba ciidanka heegan la galiyey.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here