Daawo Muuqaal: Is-bahaysiga Murrashaxiinta Xisbiga KULMIYE Oo Qaadacay Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kuna Eedeeyey Inuu Afduubay Guddoomiye Muuse Biixi

0
698

Hargeysa, (HargeisaPress) —Musharaxiinta xisbiga Kulmiye dhexdiisa xilka madaxwaynenimo ugu tartamaya ayaa qaadacay shirka golaha dhexe ee xisbiga oo maalinta salaasada ah lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Hargaysa.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah magaalada Hargaysa ugu qabteen murrashixiinta kala ah Cabdicasiis Maxmed Samaale,Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe ayaa sheegay inaanay ka qayb galay shirkaasi maaddaama oo aan loo marin xeer hoosaadka xisbiga Kulmiye.

 

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay Cabdicasiis Maxamed Samaale oo sheegay inay doonayaan gole dhex ah oo ay ku tartamaan musharaxiinta xisbiga Kulmiye ee hanka madaxwayne leh,waxaanu mar kale ku celiyay in madaxwaynuhu cid gaaar ah u afduubtay tartankaasi.

 

Halkan ka daawo hadalka Musharax Cabdicasiis Samaale.

Waxaanu sheegay inaanay ka qayb galay shirka golaha dhexe ee 11 Ka bishan ka dhacay magaalada Hargaysa,waxaanu sheegay inaan la qurxin shirkaasi oo ay arkayaan inay taladu hoos martay.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Musharax Maxamed Biixi Yoonis,oo sheegay inaanay Muuse Biixi u daba fadhisanayn shirka xisbiga Kulmiye,waxaanu sheegay inaanu jirin shir xalaal ah oo u dhacaya xisbiga Kulmiye,isagoo tilmaamay in guddi aan sharci ahayn loo saaray.

 

Halkan ka daawo hadalka Musharax Maxamed Biixi Yoonis.

Maxamed Biixi Yoonis waxa uu sheegay in shuruucdii dalka lagu tuntay,waxaanu madaxtooyada ku eedeeyay inay burburka Kulmiye horsed ka tahay.

Sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay xildhibaan Kijaandhe oo ka mid ah musharaxiinta xisbiga Kulmiye dhexdiisa doonaya inay uga tartamaan xilka madaxwaynenimo .

Halkan ka daawo hadalka Xildhibaan Kijaandhe.

Xildhibaan Kijaandhe waxa uu sheegay inuu shirku afduuban yahay,waxaanu sheegay inaanay kulankaasi ka qayb galayn,waxaanu sheegay inay tareenkii Kulmiye ka degeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here