Somaliland oo U Digtay Beesha Caalamka

0
808

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo goor dhawayd shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa waxaa uu digniin culus u diray beesha Caalamka.

Wasiirka ayaa waxa uu Beesha Caalamka uga digay khataraha ka dhalan kara Hub ay Soomaaliya ka soo qaadato qaar ka mid ah wadamada Caalamka.

Wuxuu sheegay Wasiirku in hadii Soomaaliya la siiyo Hubkaa oo ay cunaqabatayni ka saran tahay in ay Somaliland-na ay xaq u leedahay in ay la soo degto Hub, Maadaama buu yidhi ay Somaliland tahay dal madax-banaan.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here