Hargaysa (Hargeisa Press): Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ay tiro koob dadweyne ka samaynayaan lixda magaallo madax ee goboladda waaweyn ee dalka.
Kharashka ku baxaya ama lagu fulinayo tiro koobkaasi ayay xukuumadu sheegtay in lagu darayo miisaaniyadda wasaaradda qorshaynta.
Sidaasina waxaa shaaciyay wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Xasan Gaafaadhi, oo maanta hor tegay xildhibaanadda golaha Wakiiladda.
Wasiir Gaafaadhi, ayaa xildhibaanadda faahfaahin ka siiyay hawlaha shaqo ee wasaaradaasi iyo qorsheyaasheedda.
Daawo: Wasiir Gaafaadhi Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:
Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.