“Waxaan amrayaa in 7 maalmood lagu baneeyo dariiqyadda suuqa”….

0
652

Hargaysa (HP): Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa amar ku bixiyay in muddo todoba maalmood ah lagu baneeyo dariiqyadda dhex mara suuqa ganacsiga Waaheen ee ugu weyn caasimadda Hargaysa.

Waxaanu sheegay in suuqa Waaheen oo ay ganacsi waaweyni ku yaallaan in uu halis ugu jiro in aan waxba laga bad-baadin karin tantidda taalla, haddii uu Dab ka kaco.
C/naasir Caydiid Maxamed, ayaa intaas raaciyay in suuqa Waaheen ay dul maraan kumanaan Xadhkaha Laydhka ah oo ay si qaab daran u dul mariyeen shirkadaha bixiya adeegyadda Korontadda.
Sidoo kalena dhamaanba ay xidhan yihiin dariiqyadii ciidanka Dab-demisku u mari lahaayeen, haddii Dab qabsado.
Isagoo xusay in ciidamadda Dab-demiska caasimadu ay marar badan soo saareen warbixino ay kaga digayeen khatar ka soo fool leh suuqaasi, haddii aan wax laga qaban.


Waxaanu amar ku siiyay maayarka caasimadda Hargaysa, taliyaha ciidamadda booliska iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex, in ay muddo todobaad ah ku baneeyaan dariiqyadda dhex mara suuqa Waahern oo si qaab daran loo degay.
Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha oo tixraacayay Dab dhawaan xili habeen ah ka kacay suuqa Waaheen iyo digniinaha la xidhiidha, waxa uu yidhi “Bacadleyaasha, ama suuqyadda ganacsiga ee waaweyn, ee magaaladda Hargaysa, habeenkii dhawayd khatartii ka dhacday waa kii maayarku sheegayay.
Arrintaasi muddo badan ayay soo taagnayd. Qoladda Dab-demiskuna warbixino badan ayay ka soo qoreen, oo ay ku sheegayeen meesha in khatar badani ka soo socoto, haddii aan waxba laga qaban”.
“Waxaa dul mara 1 Milyan oo xadhig, oo Laydh ah, ayaa dul mara, oo ay shirkadaha Laydhku dul mariyeen. Haddii Shoodh qabsado, waa halis. Waana magaallo dusha ka Miinaysan, waanay qarxaysaa.
Wax ka bad-baadayaana ma jiraan, meel loo marana, ma laha” ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland.
Geesta kale C/naasir Caydiid, ayaa amar ku siiyay maayarka caasimadda Hargaysa, taliyaha ciidamadda booliska Somaliland iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex, in ay muddo todobaad ah ku baneeyaan dariiqyadda suuqa Waaheen ee xidhmay.
“Maayarka caasimadda Hargaysa, taliyaha ciidamadda booliska, iyo badhasaabka gobolkan Maroodijeex, waxaan ku amrayaa, meeshaa (suuqa Waaheen), in muddo todoba cisho gudahood ah ugu badnaan.

Dadweynuhu waa in ay ku baneeyaan dariiqyadda” ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka oo maanya hadal ka jeediyay munaasibad loo sameeyay dufcadii todobaad ee ciidamadda Dab-demiska Somaliland oo tababar loogu soo xidhay magaaladda Hargaysa.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here