Somaliland Oo Ka Jawaabtay Cashuurta Ay Puntland Ku Soo Rogtay Badeecadaha

0
728

“Xataa haddii cashuurta ay nagu soo rogeen aanu bixino wax allaale wax dhibaato ah oo arrintaasi nagu keenaysaa ma jirto”… Jamaal Caydiid

 

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Jamhuuriyadda Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaantay cashuuraha dheeraadka ah ee ay Puntland ku soo rogtay badeecadaha ganacsi ee uga taga  dhinaca Somaliland.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo wershadaha Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahin, ayaa sheegay in arrintaasi ay dhibaato ku keeni doonto isku socodkii ganacsiga ee koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya iyo Somaliland.

Tallaabadaasina ay u arkaan mid ay siyaasadaynayso Puntland, isla markaana muddooyinkan danbe ay dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda Soomaaliya ay ku hawlanaayeen sidii culays ay u saari lahaayeen dhaq-dhaqaaqa ganacsi ee uga taga dhinaca Somaliland.

Waxaanu intaas raaciyay in arrintaasi aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin ganacsatadda Somaliland, isla markaana xukuumad ahaan iyo ka ganacsato ahaanba ay arrintaasi shir ka yeelan doonaan go’aan  jawaab ahna ay ka soo saari doonaan.

Jamaal Caydiid Ibraahim, oo ka hadlayay siday u arkaan tallaabadaasi waxa uu yidhi  “Waxaanu u aragnaa arrin aad iyo aad u adag, iyadoo wixii badeecad ah ee dhinaca Somaliland uga tegayay ay is-taagi doonaan. Waana arrin hor leh oo intii ay Somaliland jirtayba aan marna-ba la siyaasadaynin, ama aan dhibi ka iman”.

“Waxaanu u aragnaa arrintaasi in badeecadaha isku gudbaya, ee Puntland uga tegaya Somaliland waxay yidhaahdeen cashuuro dheeraad ah ayaanu ku soo rognay. Wixii aan daruuri ahayn waxay ku kordhiyeen boqolkiiba laba boqol (200%), kuw daruuriga ahna boqolkiiba boqol (100%).

Taas macnaheedu wuxuu noqonayaa in aan badeecadaha isu socodkoodii dhan walba dhibi ka timaado. Wixii badeecad ah ee shacabka Puntland u tegaya-na uu qiimihii ay ku iibsanayeen ku kordho”ayuu yidhi guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland oo maanta u waramay BBC-da.

Geesta kale Jamaal Caydiid, ayaa ku eedeeyay dawladda federaalka Soomaaliya in ay arrimahan siyaasaddaynta ganacsiga iyadu ka danbayso, isla markaana aanay wanaagsanayn in arrimaha ganacsiga la siyaasadeeyo shacabka-na loo tudho.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mudooyinkan danbe dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda Soomaaliya, waxay bilaabeen in wixii dhaq-dhaqaaq ganacsi ah ee Somaliland uga imanaya in ay culays saaraan. Taasina waa dhibaato dadkoo dhan wada qabsan doonta.

Somaliland iyo Soomaaliya dadkeedda baayac-mushtarka ahi way isku socdaan, caafimaadka ayaa isku socda, gaadiidka ayaa isku socda. Waxyaabahaasina in la siyaasadeeyo looma baahno, balse waxaa loo baahan yahay in dadka loo tudho”.

Dhinaca kale Jamaal Caydiid, ayaa tilmaamay in tallaabadaasi haba yaraatee aanay wax saamayn ah ku yeelanaynin ganacsatadda reer Somaliland, isla markaana ay xukuumadda iyo ganacsatadu go’aan ay kaga jawaabayaan tallaabadaasi ay  soo saari doonaan.

“Anagu xataa haddii cashuurta ay nagu soo rogeen aanu bixino, waxayagu wuu iibsanayaa. Wax alaale wax dhiba oo gaara, oo ay arrintaasi anaga ka ganacsato ahaan nagu yeelanaysaa  ma jirto.

Go’aankayagu wuxuu yahay ka dawlad ahaan iyo ka ganacsato ahaanba arrinkan waanu isaga iman doonaa, waanan ka tashan doonaa wixii  tallaabo ah ee aanu qaadayno”ayuu yidhi guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here