Puntland Oo Cashuurro Dheeraadda Ku Soo Rogtay Badeecadaha Uga Yimaadda Somaliland

0
693

Garoowe (Hargeisa press.com): Wasaaradda maaliyadda ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa canshuuro dheeraad ah ku soo rogay badeecadaha ganacsi ee aan daruuriga ahayn ee Somaliland uga taga.

Wasiirka maaliyadda ee maamulka Puntland Xasan Shirre Abgaal, ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay in ay uga dan leeyihiin sidii ay isku qiimo u noqon lahaayeen badeecadaha ka soo dega dekadda Boosaaso iyo alaabooyinka uga yimaadda dhinaca Somaliland.

Xasan Shirre Abgaal, oo ka jawaabayay waxa ku kalifay Puntland in ay go’aankaasi qaadataan  waxa uu  yidhi   “Warqadaasi way jirtay, in waxyaabaha ka yimaadda Somaliland canshuuraha lagu kordhiyo. Waxyaabaha aan daruuriga ahayn weeye kuwa aanu canshuurta ku kordhinay.

Waxyaabaha daruuriga ah caadi ayaan ka dhignay. Qaadku daruuri ma aha, waxyaabahaas ayaanu canshuurta ku kordhinay”ayuu yidhi wasiirka maaliyadda Puntland oo maanta la hadlay BBC.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Macnaheedu waxa weeye, in alaabta dekadda Boosaaso ka soo degta ee ganacsatadda reer Puntland ay leeyihiin iyo alaabta ka timaadda dhinaca Somaliland  in ay isku qiimo noqon karaan markay iibka noqoto, qolo-na aanay khasaarin, si aanay u dhicin in qola-na canshuur yar laga qaado, ama canshuurba aan laga qaadin, qoladda kale-na canshuur badan laga qaado.

Oo qolo ay khasaarto, ilaalin aanu ilaalinayno, labadda qolo-ba alaabtana aan daruuriga ahayn aanu ilaalinayno weeye, balse wax gooniya ma ahayn”.

Geesta kale wasiirka maaliyadda Puntland waxa uu sheegay in sababta ku kaliftay in ay tallaabadan qaadan ay tahay si loo ilaaliyo xuquuqda ganacstadda.

“Mar walba in aan ilaalino xuquuqda ganacsatadda reer Puntland, dhinacay doontaba ah ahaatee, ayaa kalifaysa in aanu tallaabadan qaadno, taasi ayaanan ku ilaalinaynaa”ayuu yidhi wasiir Abgaal.

Dhinaca kale waxaa jira badeecooyin kala gedisan oo Puntland  uga taga dhinaca Somaliland, kuwaasoo ay ganacsatadda reer Puntland kala soo degaan dekadda Berbera.

Maadaama aanay dekadda Boosaaso awood u lahayn in ay ku soo xidhaan maraakiibta waaweyn ee sida Koonteenaradda.

Tallaabadan ayaana loo arkaa in ay isbedel ku keeni doonto dekadda Boosaaso, iyadoo la filayo in ganacsato markii hore Boosaaso ay alaabooyin uga soo degi jireen ay u soo wareegaan dhinaca Berbera.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here