Somaliland oo ka hadashay Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho

0
2290

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay war ka soo saartay qaraxii dhimashada iyo dhaawaca sababay ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Weerar qaraxyo ku billowday, ayaa xalay waxaa lagu beegsaday hoteelka Beach View oo ku yaalla xeebta Liido, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaadhay shacab fara badan oo halkaasi ku sugnaa.

Inta la xaqiijiyay waxaa weerarka ku naf-waayay in ka badan 40 qof, halka ku dhowaad tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo u badnaa dhalinyaro ku caweynayay xeebta Liido.

Hadaba, Xumuumadda Somaliland, ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkii ku dhintay qaraxii xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay qoraal ay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ku daabacday barta X oo hore loo odhan jiray Twitrer.

Waxa kaloo wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland tilmaantay in ay garab taagan tahay xilliyada adag qoysaska iyo dhibaneyaasha rayidka ah ee wax ku noqday weerarkaas.

Wasaaradda arrimaha dibaddu waxa ay caddaysay in Xukuumadda Somaliland si weyn uga murugaysan tahay weerarka argagixiso ee Xeebta Liido ku galaaftay dad aan waxba galabsan oo shicib ah, gaar ahaan dhallinyarada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here