Somaliland oo Gacanta Ku Dhigtay Rag La Shaqeyn Jiray Sirdoonka Soomaaliya

0
1307

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda sirdoonka Somaliland ee loo soo gaabiyo NIA, ayaa sheegaty inay gacanta ku dhigtay laba nin, kuwaas oo ay sheegtay inay yihiin sirdoonka Soomaaliya, gaar ahaanna shaqsiyaad la shaqeyn jiray taliyihii hore ee hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ee NISA, Fahad Yaasiin.

Qoraal ka soo baxay hay’adda, ayaa lagu sheegay in raggaas ay Somaliland ka fuliyeen falal lidi ku ah jiritaanka Somaliland.

War qoraal ah oo ay Hay’adda Sirdoonka Somaliland ku daabacday Bogga X ee hore loo odhan Jiray Twitter, waxa uu u dhignaa sidan:-

“Hay’adda ugu saraysa Amniga #SL #NIA ayaa gacanta ku dhigay Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdilaahi oo labaduba ka mid ah Sirdoonka Soomaaliya, gaar ahaan shakhsiyaadkii la shaqayn jiray Fahad Yaasiin, kuwaasi oo Somliland ka fuliyay falal lidi ku ah jiritaankeeda”.

Gebo’gabadii Hay’adda Sirdoonka Qaranka oo ah Hay’adda ugu saraysa amniga dalka ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku hawlan ka hortaga khataraha iyo dabina loo maleegayo shabcabka Somaliland iyo jiritaanka Qaranimadaba, waxaanay mudooyinkii u danbeeyay bulshada la wadaageen hawlaha sugida amniga iyo ka hortagida cid kasta oo khatar ku ah nolosha iyo jiritaanka Qaranimada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here