Somaliland oo Cadaysay Mowqifkeeda Arrinta Dekedda Saylac

0
1906
Wasiir Saleebaan Cali Koore

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa ay jawaab kulul ay ka bixisay warkii ay dowladda Itoobiya ka soo saartay arrinta dekedda Saylac.

Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo khudbad ka jeediyey baarlamaanka Itoobiya todobaadkii hore ee la soo dhaafay, ayaa ka hadlay doonistooda dekedaha dalalka jaarka, sida Saylac ama Casab.

Wasiirka Warfaafinta ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in dekedda Saylac weligeed ahaan doonto Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiir Koore, ayaa fariin uu ku baahiyey boga uu ku leeyahay X, ee hore loo odhan jiray Twitter, ayuu ku yidhi, β€œSaylac Somaliland baa iska leh, wayna ahaan doontaa ilaa weligeed.”.

Hadalkan, ayaa meesha ka saaraya wararka bulshadu isla dhexmarayso ee dekeda Saylac la xidhiidhinaya Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here