Agaasimaha Wasaaradda Deegaanka Somaliland oo Dalka Uganda Kaga Qayb-galay Shir Caalamiya

0
923

Kampala (Hargeisa Press)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbdedelka Cimilada, Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Cabdillahi Ducaale, ayaa ka qayb galay shir caalami ah oo ka dhacay magaalada Kampala, ee dalka Uganda.

Shirkan oo si gaar ah loogu soo casuumay dalka Somaliland, ayaa waxa ka soo qayb galay in ka badan 30 Wadan oo ka tirsan Qaaradaha Afrika iyo Yurub.

Shirkaas oo magaciisa la yidhaahdo, Kampala Geopolitics Conference, ayaa lagaga hadlayey saameynta “Indo-Pacific Theater” uu ku leeyahay Waddamada Geeska Africa, gaar ahaan arrimaha deegaanka, siyaasadda iyo amniga.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbdedelka Cimilada, Somaliland Maxamed Cabdillahi Ducaale oo khudbad ka jeediyey shirka, ayaa tilmaamay sida ay Somaliland uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaato arrimaha Indo-Pacific, isla markaana ku dheeraaday istaraatiijiyadda Somaliland, iyo sida aan looga maarmayn doorka muhiimka ah ee Somaliland ka ciyaari karto arrimaha Indo-Pacific-ga.

Waxaanu agaasime Maxamed Cabdillahi Ducaale uu si gaar ah uga sheekeeyey in Somaliland xil iska saartay ilaalinta iyo daryeelidda khayraadkeeda deegaan ee badda iyo berrigaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here