Somaliland: Maxaabiis U Xidhnaa Falal Argagixiso Oo Maanta La Sii Daayay

0
477

Hargaysa (HP): Waxaa maanta xabsiga dhexe ee magaaladda Hargaysa laga sii daayay shan maxbuus oo muddo ku dhaw labaatan sanadood ku xidhnaa halkaasi.

Maxaabiistaasi ayaa la sheegay in lagu soo daayay cafis uu madaxweynaha Somaliland u fidiyay, maadaama oo uu muddo hore dhamaaday xukunkii xabsiga ahaa ee lagu xukumay.

Shantan maxbuus waxaa ka mid ah Jaamac  (Jaamac-kutiye), oo hogaaminayay koox dil ka gaystay jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargaysa sanadkii 2003-dii.

Kuwaasoo iyagoo fakad ah isla maalintii ay dilka gaysteen lagu soo qabtay magaaladda Dhoqoshay ee gobolka Togdheer.

Kooxdan uu Jaamac Kutiye, hogaaminayay ayaa dilka u gaystay haweenay u dhalatay dalka Kenya iyo nin kale oo u dhashay dalka Jarmalka, oo ay dhaawaceen.

Xubnahaasi oo dhamaantoodba u shaqaynayay haayadda GTZ, balse hadda loo yaqaano GTS.

Geesta kale shantan maxbuus ee maanta la sii daayay waxaa ka mid ah Indho-cade, oo isna magaaladda Berbera laga soo qabtay sanadkii 2005-tii isagoo baxsad ahaa xiligaasi.

Kadib markii isaga iyo koox uu hogaaminayay iyo ciidamadda booliska Somaliland uu iska hor imaad ku dhex maray guri ku yaalay  xaafadda October ee magaaladda Hargaysa.

Halkaasoo la sheegay in ay ku diyaarinayeen qaraxyo la qorsheeyay in la fuliyo maalintii ay dhacaysay doorashadii golaha Wakiiladda Somaliland ee sanadkii 2005-tii.

 

Qaar ka mid ahaa maxaabiistaasi maanta la sii daayay ayay warbaahintu wax ka waydiisay dareenkoodda iyo waxa ay dareemayaan.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here