Somaliland: Kalfadhiga Golaha Wakiillada Oo Furmay iyo Waxyaabaha Uu Kaga Duwan Yahay Fadhiyadii Hore

0
872

HARGEISA, (HargeisaPress) — Golaha wakiillada Somaliland ayaa kalfadhigiisa caadiga ah ee 29-aad u furmay kadib fasax goluhu ku maqnaa. Guddoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kulankaasi furay, waxaana mudaneyaasha loo qaybiyay ajande hawleedka golaha ee kalfadhigan, iyadoo loo balamay in fadhiga xiga lagaga doodi doono.

 

Guddoomiyaha wakiillada Cabdiraxmaan Cirro oo ay hareero fadhiyaan labadiisa ku xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa guddoomiyay kulanka wuxuuna mudaneyaasha u sheegay inay soo akhristaan nuxurka ajandaha kalfadhiga.

Golaha_Wakiilada_Somaliland

Waxaa xusid mudan in labada guddoomiye xigeen Baashe Maxamed Faarax iyo Dr Cali Yuusuf Axmed ka mid yihiin isbahaysiga dimuqraadiyad doonka ah Kulmiye ee saluugay shirweynihii shirka Kulmiye loogu cumaamaday Musharax Muuse Biixi iyo Musharax  Cabdiraxmaan Saylici, waxaanay labadooduba ka soo xuubsiibteen Xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye oo ay muddo shan sanno ka badan daacad u soo ahaayeen. Waxaa la xasuustaa khilaafyo cakiran oo shirguddoonka soo gala dhexgalay iyagoo siyaasadaha xukumadda difaacaya.

 

Hase ahaatee hadda waxaa la filayaa in Guddoomiye Cirro mucaaradnimadooda darteed uga ruqaansado guddoomiyenimada Wakiillada, islamarkaana iskugu lugo duwdo xisbigiisa Waddani. Waxaa si weyn loo hadal hayaa in kursigaasi uu ku fadhiisan doono guddoomiye xigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax, inkasta oo ay jirto inay suuro gal tahay in Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ay ka soo wada jeedaan bariga Fog ee Somaliland kula loolamo kursigaasi.

 

Geesta kale kalfadhigani wuxuu la kowsaday xakamayn lagu samaynayo wakhtiga shaqada ee mudaneyaasha, waxaana saaka la daahfuray Mishiin cusub oo xaadirin doono mudaneyaasha, islamarkaana 09:30 galinka hore mudanaha ka dambeeya ku qoraya inuu habsan yahay. Waxaa hore u dhici jirtay in mudaneyaashu buug sixi jireen, balse hadda mishiinka ayay farta saari doonaan, waxaana la rajaynayaa inuu yaraado habsanka mudaneyaashu. Shaqaalaha ayaa sidoo kale mishiin gooni ah loo keenay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here