Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Maanta Mar Kale Dhexmaray Ciidamada Puntland Iyo Galmudug + SAWIRRO

0
948

Gaalkacayo , (HargeisaPress) — Ugu yaraan 7 qof ayaa dhintay, in kabadan 30 kalena way dhaawacmeen, kadib markii maanta mar kale dagaal uu magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug. Dagaalka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan waxaana la sheegay in dadku magaaladaasi faaruqiyay.

 

Magaalada_Gaalkacyo_Gobolka_Mudug_Somalia
Magaalada_Gaalkacyo_Gobolka_Mudug_Somalia

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku bilawday soohdinta kala qaybisa labada maamul, halkaasi oo uu hore uga bilawday dagaalkii ka dhashay jid laami ah oo la dhisayay. Dadka ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Puntland subaxnimadii hore isku dayeen inay fadhiisimo ka samaystaan suuqa labada dhinac kale qaybiya, taasina sababtay dagaalka labada dhinac.

 

Waxaa muuqata inay guuldareysatay waan-waan uu labada dhinac ka dhex waday Raysal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo isagu maanta dib ugu noqday magaalada Muqdisho.

Gaalkacyo-6

Waxaa sidoo kale la sheegay inay hakad galeen wada hadal madaxda dhaqanka u socday. Maamulkak Puntland ayaa hore u diiday dhexdhexaadinta Ra’isal wasaaraha oo aanay dhexdhexaadnimo ka filayn.

 

Labada maamul ayaa la sheegayaa inuu ka dhexeeyo muran dhinaca maamulka ah kadib markii maamulka Puntland dhismihiisa saluugay, kuna eedeeyay xukumadda dhexe inay maamulkaasi taageerayso.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here