Somaliland: Jaamacadaha Jabuuti & Hargeysa oo Kala Saxeexday Heshiis + SAWIRRO

0
1369
Guddoomiyeyaasha jaamacadaha Jabuuti iyo Hargeysa

Jabuuti ,(HargeisaPress) —Guddoomiyeyaasha jaamacadaha Jabuuti iyo Hargeysa, ayaa heshiis iskaashi iyo wax wada qabsi ah ku kala saxeexday xarunta jaamacadda Jamhuuriyada Jabuuti.

Masuuliyiinta labada jaamacadood ee Hargeysa iyo Jabuuti oo ka hadlay nuxurka heshiiska ay gaadheen, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan heshiiskan cusub ee ay kala saxeexdeen, kaas oo ay ku tilmaameen mid wax weyn ka tari doona wax wada qabsiga labada jaamacadood iyo labada dawladoodba.

Guddoomiyaha jaamacadda Jabuuti Mr. Jaamac Maxamed Xasan, ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeedada uu daaran yahay heshiiskan, waxaannu yidhi “Heshiiskan aanu saxeexaynaa waa heshiis taariikhiya waana, xidhiidh ka turjumaya walaaltinimada iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya labadeenna wadan iyo labadeena Jaamacadood, waana xidhiidh aynu sugeynay in badan, oo aanu naawileynay in badan maanta oo aanu saxeexnay heshiiskaasina waxaanu sugeynaa wada shaqeyn toos ahi inay dhex-mari doono.”

Guddomiye Jaamac Maxamed, waxaanu intaas ku daray, “Waxaanaynu isweydaarsan doona macalimiinta, ardayda iyo wixii kale ee aynu isweydaarsan karnaba. xidhiidhkanina waa mid maanta ka bilaabmaya waanu ka mahad-naqaynaa booqashadda Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa uu ku yimid Jabuuti.

Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Mr. Maxamuud Yuusuf Muuse, ayaa soo dhaweeyay iskaashiga ay yeesheen jaamacadda Jabuuti, waxaannu yidhi, “Aad ayaan ugu faraxsanahay in labada jaamacadood ee Hargeysa iyo Jabuuti ay heshiis iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya ay wada saxeexdaan, kaasi oo maanta bar bilow ah, laguna bilaabay ilaa shan qoddob, wax weyna ka bedali doona xidhiidhka soo jireenka ah ee labada wadan, wixii intan ka dambeeyana u gudbi doona xidhiidh aad u weyn oo qoto dheer, Jabuuti iyo Somaliland-na waxa ay leeyihiin xidhidh qoto dheer oo walaaltinimo oo gacalnimo iyo waxyaabo badan oo kale, dhaqan, af, dadnimo iyo walaaltinimo.”

“Heshiiskanina waa kii koowaad ee aanu la galno Jaamacad ku taalla Geeska Afrika, waxaannu ka bilownay jaamacada Jabuuti, taasina aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay heshiiskani aynu wada galnay waxaanan rajeynayaa inaanu ku koobnaan uun waraaqaha aynu wada saxeexaney, laakiin uu noqdo xidhiidhkeenu mid intan ka fog, bilaha soo socdana masuuliyiinta Jaaamacada Jabuuti waxa ay iman doonaan Somaliland, halkaasi oo aanu ku kala saxeexan doono heshiiskan heshiiska xiga,”ayuu yidhi Guddoomiye Maxamuud Yuusuf Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here