Somaliland iyo Zambia oo Qorshaynaya In Ay Yeeshaan Xidhiidh Ganacsi

0
2796
Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Cadaaladda Zambia
Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Cadaaladda Zambia

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo wasiirka caddaaladda ee dalka Zambia, Mr Gavin Lubinda oo shalay safar shaqo ku yimid Dalka.

Kulan madaxtooyada Somaliland ku dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka cadaalada ee Zambia Gavin Labinda, ayaa lagaga wadahadlay xidhiidh ganacsi oo dhexmari doona Somaliland iyo Zambia.

Warsaxafadeed ay madaxtooyada Somaliland ka soo saartay kulan ka waftiga Zambai iyo madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen xidhiidh ganacsi oo dhexmari doona Somaliland iyo Zambia.

War-saxafadeedka si toosa looguma xusin nooca ganacsi ee ay yeelanayaan labada dhinac ee Somaliland iyo Zambia.

Sidoo kale, intii uu kulanku socday waxa Khadka telefoonka ku wada sheekaystay madaxweynayaasha Somaliland iyo Zambia iyagoo ka wada hadalay iskaashi ay yeelanayan Somaliland iyo Zambia sida warsaxafadeedka lagu sheegay.

Kulanka labada dhinac ayaa ku soo dhamaday isfaham iyo xidhiidh wada shaqayneed oo labada dhinac dardar galintiisa ka wada shaqaynayaan sida warsaxafadeedka lagu sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here