Sacuudiga oo Go’aan Ka Soo Saaray Cumrada Ramadaanka

0
1350

Riyadh (Hargeisa Press) – Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in kaliya dadka iska tallaalay cudurka COVID-19 loo ogolaan doono Cumrada, laga billaabo bisha Ramadan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in saddex nooc oo dad ah loo arki doono “kuwa tallaalan” – Kuwa qaatay labada goojo ee tallaalka, kuwa qaatay hal goojo ugu yaraan 14 maalmood kahor, iyo kuwa uu ku dhacay xanuunka ee kasoo bogsaday.

Dadkaas kaliya ayaa loo ogolaan doonaa inay gutaan Cumrada ama ay salaad ku tukadaan Masjidka Xaramka, iyo Masjidka Nebiga NNKH.

Wasaaradda ayaa sheegtay in siyaasaddan ay dhaqan-geli doonto bisha Ramadan ee billaabaneysa bartamaha April, hase yeeshee ma cadda inta ay socon doonto. Sidoo kale ma cadda, haddii siyaasaddan lagu dabaqi doono Xajka.

Go’aanka ayaa yimid kadib markii Boqor Salmaan uu bishii tagtay beddelay wasiirka Xajka, wax kayar hal sano kadib markii Sacuudia Carabiya ay marti-gelisay tiradii ugu yareyd oo ah dadka ka qeyb-galay Xajka.

Mohammad Benten ayaa waxaa lagu beddelay Essam bin Saeed, sida ku cad digreeto Boqortooyo oo ay baahisay wakaaladda wararka dalkaas ee SPA.

Xajkii 2020 ayaa waxaa ka qeyb-galay kaliya 10,000 oo qof oo ahaa dad degan Sacuudi Carabiya, taas oo aad uga yar ka qeyb-galayaashii 2019 oo ahaa 2.5 milyan oo qof oo ka kala yimid dunida.

LEAVE A REPLY