Somaliland iyo Taiwan oo Ka Wadahadlay Arrimaha Shidaalka, Macdanta iyo Korontada

0
1559

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland Cabdillahi Faarax Cabdi oo u weheliyo Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaarada, ayaa ku qaabilay xarunta Wasaarada Wefdi ka socda Dalka Taiwan oo uu wehelinayey Safiirka Taiwan u fadhiya Somaliland.

Wefdigan iyo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, ayaa ka wada hadlay xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Taiwan gaar ahaana arrimaha Macdanta, Shiidaalka iyo Korontada iyada oo si gaar ah loo lafo-guray heshiishkii u dhaxeeyey Shirkada CBC ee dalka Taiwan u qaabilsan dhanka shiidaalka ee ujadadiisu ahayd ka mid ahaanshaha soo saarista shiidalka ee shirkada Genel energy ee gobollada barriga Soomailand taasi oo ay qeyb ka ahayd shirkada CBC.

Mudadii kulankaasi socday waxa ka hadlay safiirka Taiwan u fadhiya Soomaliland Ambassasor Allen iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada dhaqaalaha ee dalka Taiwan, iyagoo sheegay sida ay diyaarka ugu yihiin inay xoojiyaan xidhiidhka ka dhaxeeya Soomaliland iyo Taiwan iyada oo muhiimada la siinaayo arrimaha ay ka mid yihiin Macdanta,Shiidalka iyo Tamarta.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Tamarta iyo Macdanta Somaliland, ayaa dhankooda si weyn u soo dhaweeyey wefdigan sheegayna inay diyaar u yihiin inay ka faa’iidaystaan khibrada iyo aqoonta dawlada Taiwan iyagoo xusay inay diyaariyeen wax kastoo fududaynaaya khayraadka dihin ee Soomaliland ku duugan.

Wasiirka Tamarta Somaliland Cabdillahi Faarax Cabdi oo warbaahinta uuga waramay nuxurka qodobadii labada dhinac ka wada hadleen, ayaa sheegay in booqashada wefdigu daba socotay heshiis hore waaxda u qaabilsan iskaashiga caalamiga ah wada galeen Wasaarada Macdanta lana xidhiidhay sidii iskaashi looga yeelan lahaa dhinacyada Wasaarada Tamarta & Macdantu u qaabilsan tahay Somaliland.

Wasiir Cabdillahi, ayaa hadalkiisa raaciyey “Wuu bilaabmay wax wada qabsigii, oo sannadkii hore 2022 waxa heshiis wada galay CPC oo ah shirkada ugu weyn Taiwan, aduunkana meelo badan ka shaqeysa oo qaabilsan shidaalka iyo shirkada Genel Energy oo bolooga 10-13 ee Somaliland, kaa soo imika laga wado qoditaankii tijaabo ugu horeeyey, oo sannadka dhamaadkiisa la filayo inuu dhamaado.

Waxa la rajeynayaa bartool badan oo iib gala, oo kobciya dhaqaalaha iyo horumarka dalka iyaguna ka faa’iideystaan.

Dhinacyo badan oo maalgashi ka bilaabay ama qorsheynaya awgeed ayey iyaguna ku soo dhiiradeen inay qeyb ka noqdaan. Sidoo kale waxa jira iskaashiyo dhinacyada tiknoolajiyada iyo tababrida labada dhinac yeelan doonaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here