Somaliland iyo Somaliya Oo Aqbalay Dhex-dhexaadinta Madaxweynaha Jabuuti

0
964

Jabuuti (HP): Madaxweynaha dalka jamhuuriyada Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle, ayaa sheegay in madaxda Somaliland iyo Soomaaliya ay aqbaleen dhex-dhexadintiisa, ee wada-hadaladii u dhexeeyay labada dhinac.

Waxaana maanta dalka Jabuuti, gaadhay weftiyo ay kala hogaaminayeen labadda madaxweyne ee Somaliland, iyo Soomaaliya.

Wadahaladda u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa istaagay sanadkii 2019-kii, hase yeeshee maanta ayay mar kale si rasmi ah uga bilaabmeen dalka Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa maanta qasriga madaxtooyada jamhuuriyada Jabuuti, kulankii koobad ee wada hadalada ugu qabtay madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaliya.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war kooban oo ay madaxtooyadda Jabuuti, ka soo saartay bilawga wadahaladda u dhexeeya Somaliland, iyo Soomaaliya.

Waxaana lagu yidhi “Waxa dib u bilaabmay wada hadalada Somaliland iyo Soomaliya, oo maanta ku bilaabmay dhagaysiga is-wareysi toos ah, oo dhex maray madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya.”


Geesta kale madaxweynaha jamhuuriyada dalka Jabuuti, ayaa sheegay in diblomaasiyada dawladiisa uu gadh-wadeenka ka yahay ay ku guulaystay, dib u bilaabida wada-hadalada ay Somaliland iyo Soomaaliya kaga tashanayaan arrimahooda masiiriga ah.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here