Wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya Oo Dib Uga Furmay Dalka Jabuuti

0
647

Jabuuti (HP): Waxaa maanta mar kale dib uga furmay dalka Jabuuti, wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

Wadahadalka u socday Somaliland, iyo Soomaaliya, oo muddo sanado ah hakad gallay ayaa maanta ku bilaami doona heer madaxweyneyaal.

Iyadoo na dalka Jabuuti, ay safar ku joogaan wefti uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isla maanta gaadhay falka Jabuuti.

U jeedadda safarka weftiga uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland ay Jabuuti, ku tegeen ayaa la sheegay in halkaa dib looga anba-qaadayo wadahadaladii u dhexeeyay labadda dhinac.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay madaxtooyadda Somaliland ka soo saartay safarka madaxweyne Biixi, iyo weftigiisu ay ku joogaan dalka Jabuuti.

“Ujeedada safarkan weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo ayaa ah in halkaa laga sii amba qaado, wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, oo ku bilaami doona heer madaxweyneyaal” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

Waxa kaloo warkaasi lagu sheegay in safarka weftiga madaxweyne Biixi, uu qaadan doono muddo kooban.

Waxaana lagu yidhi, “Safarka shaqo ee madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa muddo kooban qaadan doona”.


Weftigan uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland ayaa saaka ka anba baxay garroonka diyaaradaha magaaladda Hargaysa.

Waxaana xubno ka ah weftigaasi wasiirrada wasaarradaha Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta Qaranka Axmed Maxamed Diiriye (Toorno).

Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Waxbarashada Axmed Aadan Buuxane, iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil, oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa weftiga Madaxweynaha.

Geesta kale waxaa isla maanta gaadhay magaaladda Jabuuti, ee caasimadda dalka Jabuuti, wefti uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaana u jeedadda socdaalka weftiga madaxweynaha Soomaaliya iyo weftigiisa ee Jabuuti, lagu sheegay inuu qorshuhu yahay sidii mar kale dib loogu bilaabi lahaa wadahadaladii u socday Somaliland, iyo Soonaaliya.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo war kooban ka soo saartay bilawga wadahadaladda Somaliland, iyo Soomaaliya, ayaa lagu yidhi sidan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti kaga qeyb galay kulan lagu sii amba-qaadayo wadahadalladii u dhaxeeyey dawlada Federaal ka Soomaaliya iyo Soomaaliland”.

Dhinaca kale madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa la sheegay inuu isagu ka soo shaqeeyay wadahalkan u dhexeeya Somaliland, iyo Soomaaliya.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here