Maxaa Ka Jira In Hoggaamiyihii Kooxda-Wagner Uu Ku Geeriyooday Shil Diyaaradeed?

0
518

Moscow (Hargeisa Press)- Hoggaamiyihii kooxda calooshood u shaqaystayaasha ah ee Wagner, ayaa lagu soo waramayaa inuu ka mid ahaa 10 qof oo ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Ruushka, sida ay baahisay Wakaaladda Duulista Rayidka ah ee Ruushku.

Yevgecy Prigozhin oo si aad ah warbaahinta u qabsaday, xilligii uu hoggaamiyey ciidamo hubaysan oo ka soo horjeestay milateriga Ruushka, horraantii sannadkan, ayaa tan iyo xilligaas wuxuu ahaa, nin aan si shaacsan loo ogayn meelaha uu ku sugan yahay.

Warar aan weli la xaqiijin, ayaa sheegaya in diyaaradda uu lahaa Prigozhin oo aasaasay shirkadda amniga ah ee gaarka ah ee Wagner.

Wakaaladda wararka Ruushka ee Tass oo soo xiganaysay saraakiisha gurmadka, ayaa sheegtay in diyaaradda ay la socdeen saddex duuliye iyo toddoba rakaab ah.

Mas’uuliyiinta, ayaa sheegay inay baadhayaan burburka diyaaradda oo ka dhacay gobolka Tver oo ilaa 100KMs dhinaca Waqooyi ka xiga Moscow.

Prigozhin, oo ciidankiisu ay ka garab dagaalamaneen kuwa Ruushka dalka Ukraine, ayaa sameeyey kacdoon muddo gaaban socday bishii June kaasi oo ka dhan ahaa hoggaanka milateriga waddankaas.

Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlin, ayaa sheegay inuu masaafuris u joogi doono Belarus, kadibna ciidankiisu ay hawlgal noqon doonaan, ama ay u raaci doonaan waddankaas ama ay ku biiri doonaan milateriga Ruushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here