Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xildhibaanadda golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta dood adag ka yeeshay xeerka is-maamulka goboladda iyo degmooyinka dalka.
Fadhiga maanta oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayay mudaneyaashii doodda ka qayb qaatay badankoodu soo jeediyeen in guddi soo naaqishta loo saarro xeerka.
Halka kuwo kale-na ay soo jeeinayeen in gebi ahaanba la laalo xeerkani oo ay u arkaan mid qalalaase iyo muran ka dhex abuuraya goboladda iyo degmooyinka dalka.
Halkan Hoose Ka Daawo Doodii Xildhibaanadda Guurtidda:
Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.