Macaamiisha Internet-ka Ee Shirkadda Somcable Oo Cabasho Ka Muujiyay Qiimaha Lacagta Oo Lagu Kordhiyay

0
1137

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Macaamiisha isticmaala adeega Internet-ka ee ay bixiso shirkadda Somcabbe ayaa cabasho xoogan ka muujiyay qiimaha lacagta ay ku kordhisay.

Dadkan macaamiisha u ah Somcable ee ka cabanaya oo isugu jira meherado ganacsi, guryo iyo dad si shaqsiya u isticmaala xidhmooyinka Internet-ka ee Somcable ayaa sheegay in ay shirkadu qiimihii hore ay uga qaadi jirtay laba jibaartay.

Shirkadda Somcable ayaa ka mida ah shirkadaha ka jira Somaliland ee bixiya adeega Internet-ka, taasoo muddo dhawr sanadood ah dalka ka hawl gelaysay.

Qaar ka mida dadkan ka cabanaya Somcable oo la hadlay shebekadda HargeisaPress, oo cudur daartay in aan magacyadoodda xusno ayaa noo xaqiijiyay in shirkadu ay si arxan darro ah ugu kordhisay qiimaha lacagta ee adeega Internet-ka.

Waxaanay noo sheegeen dadkaasi in sababta ay shirkadu ugu kordhisay qiimaha lacagta ay ku tilmaantay lacagta Macaash-macaashka ee ay wasaaradda maaliyadda Somaliland ku soo rogtay qaadisteedda shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka ka hawl gala.

Sidoo kale qiimaha lacagta Internet-ka ee ay shirkadda Somcable ku kordhisay macaamiisheedda ayaanay la qabin shirkadaha kale ee bixiya adeegyadda Internet-ka, sida Telesom iyo Somtel.

Kordhinta qiimaha lacagta ee Internet-ka ayay shirkadda Somcable bilawday wixii ka danbeeyay markii ay wasaaradda maaliyadu shirkadaha isgaadhsiinta ku soo rogtay cashuurta Macaash-macaashka.

Geesta kale shirkadaha kale ee bixiya adeegyadda Internet-ka ayaan la qabin Somcable kordhinta qiimaha lacagta, kuwaasoo aan waxba ku kordhinin qiimihii hore ee ay ka qaadi jireen macaamiishoodda isticmaaladda Internet-koodda.

Taasoo muujinaysa in tahay arrin ku kooban shirkadda Somcable oo keliya. Iyadoo shirkadahan kale ay Somcable la wadaagaan cashuurta Macaash-macaashka ee ay wasaaradda maaliyadu ku soo rogtay.

Dhinaca kale talaabadan ayaa la filayaa in shirkadda Somcable ay ku waydo macaamiil fara badan oo isticmaali jiray adeegeedda Internet-ka.

Kuwaasoo u wareegi doona shirkadaha kale ee bixiya adeegaydda Internet-ka, si ay u helaan Internet qiimihiisu jaban yahay.

Waxaanay arrintaasi sababi kartaa in uu hoos u dhac weyn ku yimaado tiradii macaamiisheedda dhinaca adeega Internet-ka iyo sidoo kale dakhliga shirkadda ka soo geli jiray adeega Internet-ka.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here