Somaliland: Ciidamo La Wareegay Xarunta Telefiishanka Horyaal

0
671

Hargeisa (Hargeisa Press)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa maanta la wareegay xarunta dhexe ee Telefiishanka Horyaal ku leeyahay magaalada Hargeysa.

Wararka na soo gaadhaya ayaa sheegaya in Shaqaalaha Telefiishanka ay Ciidamada Boolisku ku amreen in ay xarunta ka baxaan, sida ay Shabakada Hargeisa Press u sheegeen maamulka sare ee Telefiishanku.

Telefiishanka ayaa loo haystaa barnaamij uu sii daayay todobaadkan oo ku saabsan Dumar Qaad ku cunaya guri ku yaala magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, Ururka haweenka Somaliland ee NOW oo todobaadkan shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen Barnaamijkaasi ka baxay Telefiishanka Horyaal, Iyagoona sheegay in ay Maxkamad la tiigsanayaan TV-ga.

Xukuumada Somaliland ayaa 19 bishii June xidhay Telefiishanka Horyaal, Iyadoo lagu eedeeyay baahinta warar khatar ku ah amniga.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here