Kuwii Mudnaa Ayaa La Muuneeyey!

0
664

Kuwii Mudnaa Ayaa La Muuneeyey!

Qore: Cumar M. Faarax

“Aan kuu sheegee Shaqaaluhu waa

Sharaftii dhulka Sharraxaysay

Waa kuwa Shiida Camuuddee

Kala Shubayee ka soo shaandheeya Macdantee

Kala Shiilee u shintiriyee  Inba meel ku shirabayee” Hees.

 Donald Rumsfeld oo laba jeer Wasiirka Gaashaan-dhigga ka noqday Maraykanka oo duruufo adag ku soo mareen xafiiska ayaa shaqada dawladda ku sifeeyey “Wakhtiga aad ku jirto shaqadda qaranka  waxay noqon kartaa xiliyada ugu caqabadaha badan, uguna xiisaha badan noloshaada.”

4tii Bishan Sepptember 2019, waxa dhacay wax weyn oo aan beryahaas maskaxdaba lagu haynin Wasaaradda Warfaafinta dhexdeeda. Waxa la abaalmariyey  afar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Waraafinta, Dhaqanka iyo Wacygelinta, kuwaas oo lagu aqoonsaday  inay si daacad ah uga soo baxeen  hawshooda.

Waa afar qof oo aan galaan-gal u laheyn , loogana baran inay xafiisyada madaxda codkooda gaadhsiiyaan, taasina waxay keentay  in dhammaan shaqaalaha Wasaaraddu qiraan waxqabadka  afartaas qof oo muddo lix bilood ah sawirradoodu sudhnaan doonaan boodh weyn oo looga asteeyey Wasaaradda dhexdeeda.

Wasiirka  Warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye iyo Agaasimihiisa  Guud  Mukhtaar Maxamed Cali, ayaa afarta hawlwadeen ku guddoon siiyey shahaado sharaf  madal shaqaaluhu goobjoog ka ahaayeen, waxana loogu daray min hal milyan oo shilin.

  • Sidiiq Ismaaciil Axmed: Wuxuu ALLE ku guuleeyey inuu ciladsaaro war-laliyihii TV-ga Qaranka ee laga daawan jiray Hargeysa iyo nawaaxigeeda, oo ku dhawaad  sannad iyo badh  hawadda ka maqnaa. Wuxuu dedaalkiisu tusmaynayaa   in maskaxda shaqaalaha oo la dhiirigeliyaa ay ka wanaagsan tahay  in la aaminno khubarro shisheeye ah oo dalka ku yimaada lacag adag. Waxaannu qaranka u baajiyey Kumanaan doolar oo ay  lagu soo iibin lahaa warlaliye cusub. Sidaas darteed, wuxuu noqday geesi qaran oo guul u soo hooyey xafiiskiisa iyo dalkiisaba, waxaanay tallaabadiisu halbeeg u tahay aqoonta aan hore looga warqabin ee ku jirta da’yarta Wasaaradda.
  • Aamin Ibraahim Maxamed: Waxay ka mid tahay hablaha shaqaale hoosaadka Wasaaradda, waxaanay ku sifowday aaminimo iyo daacadnimo. Waxay wasaaradda u karisaa shaaha, waxaanay si aan wahsi laheyn uga   qayb qaadataa hawl kasta oo wasaaraddu leedahay, iyadoo shaqada dhex joogta in ka badan 8-da saacadood ee sharcigu jideeyey.
  • Axmed Ismaaciil Xasan oo loo garan ogyahay Bucul: Waa nin Alle u soo diray Wasaaradda, waxaanu qabtaa shaqo kasta uu indhaha saaro iyo baylah kasta oo xooggiisa looga baahan yahay.

Shaqadiisu waa weriye, hase ahaatee wuxuu ALLE u diray Beerta Wasaaradda oo  uu mar walba  ku dhex jiro oo uu si iskii ah iskugu waajibiyey baaq-baaqeeda. Mararka qaarkood waxaad arkaysaa isagoo Gaadiidka ku dhex ciladooba wasaaradda dhexdiisa ku hoos jira. Waa nin xoogiisa aan hagran. Waxaanu hormuud u yahay dadka is dira ee aan loo dirin hawlaha. Wuxuu yaqaanaa luuqada Carabiga,waxaannu soo turjumi jiray wararka iyo barnaamijyada carabiga ah, waxaanu saxaafadda ka soo galay Telefishankii Somaliland Space Channel oo ahaa Muuq-baahiyihii u horreeyey ee Somaliland laga furay 1998kii.  Wuxuu ii sheegay inuu mar sii horreysay ahaa   askari ka tirsan Guutadii koowaad ee Ciidanka qaranka oo uu markii dambena u noqday kaaliye caafimaad, maadaama oo yaqaanay  gargaarka degdega ah.

 

  • Caydaruus Cismaan Axmed: Waa nin shaqaale ah oo niyadsan isla markaana hawl-kar ah oo ka adag waajibkisa mucayinka ah. Aad ayey u yar tahay maalin aanu keenin   war ama laba xafiiska,  muddo sannad iyo Toddoba bilood ah oo aan madax ugu ahaa  Waaxda Wakaaladda Wararka ee SOLNA oo uu ka shaqeynayey ilaa sagaal sannadood.

Dedaalka shaqada wuxuu ku darsaday  dhawrsanaan iyo asluub uu ALLE ku manaystay oo ay kala siman yihiin saddexda qof eel ala abaalmariyey. Wuxuu la kaftamaa dadka inta ay is sheeko bartaan oo kaliya.

Marka uu 12ka duhurnimo ka soo rawaxo Goleyaasha Baarlamaanka oo uu ku qoran yahay isla markaana uu warkooda si joogto ah u keeno xafiiska ayuu nagula kaftaa odhaah uu ku soo celceliyo oo ah “Qaranka ha loo shaqeeyo ee yaan laga shaqeysan.”

Markaan arkay dedaalkiisa,ayaan    si maalinle ah ugu mahad celiyaa Karidiisa ku dayashada mudan iyo hawlkarnimadda uu hormuudka ugu yahay hawlwadeennada waaxda, markay noqoto war doonista.  Dhiirigelinta iyo u mahadnaqu waa  hantida kaliya ee aanan kala bakhaylin  shaqaalahayga, intooda u hagar baxda shaqadda.

Gabogebo:

Abaalmarintan oo bilowgeedu si wax ool ah u tisqaaday isla markaana lagu muuneeyey kuwii Mudnaa, ayaa ah  fikir  saliim ah oo loo guuxay,  laguna kasbaday   niyada shaqaalaha oo  tabayey muddo dheer in la aqoonsado waxqabadkooda, gaar ahaan kuwa ku sifoobay “Karti iyo Masuuliyad.”

Waxa ammaan mudan  madaxda Wasaaradda oo ballan qaaday inay abaalmarintani noqon doonto mid sannadkiiba laba jeer ay qaadan doonaan afar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda ee la yimaada dedaal iyo hal-abuurnimo gaar ah.

Sidoo kalena, waxa Wasiirka Warfaafinta, Wasiir ku-xigeenka  iyo Agaasimaha Guud  ay soo kordhiyeen fursado  naadir ah oo aan hore uga dhicin wasaaradda, waxaanay  barnaamijyada Idaacadda iyo Telefishanka Qaranka ku bixiyaan lacago loogu talogalay in lagu soo sameeyo barnaamijyo tayo leh, taasi oo ah fursad kale oo shaqaalaha waxtar u noqon doonta haddii la sii joogteeyo.

W/Q: Cumar M. Faarax

Agaasimaha Wakaaladda Wararka Somaliland

Hargaysa/Somaliland.

 

LEAVE A REPLY