Somaliland: Casho Loo Sameeyay Xulka Kubadda Cagta Baahiyaha Gaarka ah Qaba

0
658

Hargaysa (HP): Wasaaradda dhalinyarrada iyo ciyaaraha Somaliland ayaa xalay kulan cashi sharaf ah u qabatay xulka Naafadda kubbada cagta Somaliland.

Xulka baahiyaha gaarka ah qaba ee Somaliland ayaa dhawaan guul ka soo hooyay ciyaar dalka Jabuuti ku dhex martay xulka dhigoodda ee dalkaasi Jabuuti.


Kulankaasi casho sharafta ah ayaa ahaa mid lagu dhiiri gelinayo guushii ay xulkaasi ka soo hooyeen ciyaartii Jabuuti ay kula soo yeesheen dhigoodda Jabuuti.
Waxay noqonaysaa markii u horaysay oo Somaliland laga qabto ciyaaraha dadka baahiyaha gaarka ah qaba.


Waxaanay wasaaradu qorshaynaysaa in sanad kasta tartan loo qabto xulka baahiyaha gaarka ah qaba.
Sida uu kulankaasi ka sheegay agaasimaha waaxda ciyaaraha ee wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland C/rashiid Caydiid Yaasiin.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here