Amarro Lagu Soo Rogay Cilaajyadda Ku Yaalla Magaaladda Burco

0
497

Burco (HP): Maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmadda Burco ayaa soo saaray go’aamo wax lagaga bedelayo qaabka ay u shaqeeyaan Cilaajyadda dadka buka lagu dabiibo.
Fatwadaasi oo ay saareen culimadda gobolka Togdheer ayaa lagu tilmaamay mid lagu saxayo sida ay dadka u daaweeyaan Cilaajyadda ku yaalla magaaladda Burco.
Maamulka gobolka Togdheer iyo ka degmadda Burco oo raacaya Fatwadda ay culimadu soo saareen ay ku amray Cilaajyadda in ay sideedda u qaataan uguna dhaqmaan Fatwadaasi.
Fatwadaa ay soo saareen culimadu oo ka kooban 8 qodob, waxyaabaha ay culimadu soo jeediyeen waxaa ka mida in aan lacag aad u fara badan laga qaadin bukaanadda la daaweeyo.
Geesta kale badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd, iyo maayarka Burco oo wada jir shir jaraa’id u qabtay ayaa ka hadlay go’aamadda Fatwadaasi.
Badhasaabka Togdheer sheegay in dabagal lagu samayn doono Cilaaj kastaa inuu ku dhaqmay.
Iyadoo Culaajkii aan ku dhaqmin qodobadaasi tallaabo sharciga waafaqsan.
Sida in Liisaanka laga qaado, in ganaax lacageed la saaro iyo waxyaabo kale.
Dhinaca kale Fatwadan waxaa ku saxeexan 11 xubnood ka mida culimaw-diinka ugu caansan magaaladda Burco.

AKHRISO: QODOBADDA FATWADAASI IYO MAGACYADDA CULIMADII SOO SAARAY:

Halkan Hoose Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Badhasaabka iyo Maayarka:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here