Somalia oo Walaac Ka Muujisay Doorashada Jubaland

0
748

Muqdisho (Hargeisapress)- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay walaac ka qabto hanaanka doorashada lagu wado inay dhawaan ka dhacdo Jubbaland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay Jubaland ka soo gaadhayaan cabashooyin, Beelaha, Siyaasiyiinta, Murashixiinta iyo Shacabka Jubbaland ay ka qabaan hanaanka lagu soo xulay Odayaasha, qaabka loo keenayo Xildhibaanada iyo sida lagu maamulayo Doorashada.

Dowadda ayaa ka dalbatay maamulka Jubbaland in liiska odayaasha dhaqanka ee Xildhibaanada soo xulaya la waafajiyo diwaanka dhaqanka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka.

Sabriye

Waxaa kaloo ay ka dalbatay in marka hore la dhameystiro soo xulista xubnaha Golaha Wakiilada Baarlamanka Jubbaland, ka dibna baarlamanka cusubi iska dhex doorto, guddiga doorashooyinka Gudoonka Golaha, iyo Madaxweynaha, iyo in dorashadu ku dhacdo hanaan daah furan oo xor iyo xalaal ah.

Dowladdu waxey sheegtay in natiijo kasta oo ka soo baxda doorashadaasi aan la aqoonsan doonin, haddii sida hadalka loo dhigay, aysna marin habraac doorashada ee dowladda Federaalka.

Arrintan ayaa sii xoojineysa khilaafka ka taagan hannaanka doorasho ee Jubbaland, iyadoo hore dowladda Federalka uga soo horjeesatay qaabka wax u socdaan, Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo Maamul Goboleedka IGAD-na ay dalbadeen in doorashadu ay noqoto mid madax banaan oo dadka tartamayaa ay helaan xoriyad.

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

HARGEISA PRESS.COM

OFFICE HARGEISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here