Madaxweyne Deniga Puntland-oow Kaama Filayn Inuu Shaki Kaaga Jiro Gobolka Ay Bixin Ka Tirsan Tahay!

0
158

Tan iyo intii maamulka Puntland ee Soomaaliyeed la abuuray waxa socday damac ah in magaalada Garoowe loo fidiyo dhanka gobolka Sool. Isku dayo badan ayaa dhacay hase yeeshee marwalba damacaasi waa lagu hungoobayey. Waxase damacaasi uu xadhkaha goostay xilligii Cabdiraxmaan Faroole. Xilligaasi kacdoon ballaadhan ayaa ka horyimid markuu arkay khatarta ka imaan kartana hungurigiisii dib ayuu u liqay.

Damicii Faroole wuxuu dib usoo noqday mar kale Feb 2016, markaas oo Faroole soo adeegsaday wiilka u adeerka u yahay ee Cumar Faraweyne oo Garoowe badhasaab ka ahaa, iyo Qarjab oo isna ay Faroole isku raas yihiin xiligaasna ahaa wasiirka amniga. Waxay labadan nin geeyeen degaanka Bixin bar kaantarool iyo ciidan, sida aad sawirka labaad ka aragtaan waxa laga dhisay Dooxada Bixin dhismeyaal, waxana la qaytay/jeexday boosas farabadan. Arrintani waxaa ka kacay beelihii meesha degganaa ee reer Sool waxayna sababi gaadhay iskudhac ciidan. Aakhirkii dhismiyashii waa la dumiyey ciidankii meesha la geeyeyna dib baa looga soo raray.

Bishii June ee sannadkan 2019 geelal barqomaal ah oo reer Garoowe leeyihiin ayaa aagga degaannada Bixin degaan looga dhigay, dadkii meesha degganaa ayaa arrinkaas geela la “dejinayo” diidmo kala horyimid waxayna sababtay isku dhacyo aan dhiig ku daadan, aakhirkiina geelashii waxa dib loogu soo celiyey degaannadoodii dhanka Garoowe.

Mar kale ayay sannadkan gudihiisa Bixin noqotay meel xasaradi ka aloosan tahay. Dhammadkii bishii July 2019 ayaa maamulka Puntland xarun kaantarool usoo raray degaanka Bixin ee gobolka Sool iyagoo ku sababaynaya in caasimaddii weynaatay loona baahan yahay in la fidiyo. Sawirka saddexaad waa dhismaha kaantaroolka cusub ee Garoowe oo laga dhisay Bixin oo gobolka Sool ka tirsan. Kantaroolka mar walba waxa dhinac socda degaamayn cusub.

Bal marka hore aan eegno Bixineey maxaad ahayd? Xaggeese ku taallaa? Dabadeedna aan u gonda degno caasimaddii Garoowe oo dhul ay ku fiddo loo raadinayo.

Dooxada Bixin waxay magaalada Garoowe ka xigtaa dhanka magaalada Laascaanod. Waxa meel aa Bixin kanfogeyn oo “dhanka Garoowe ka soo xigta” mara xadkii Ingiriiska iyo Talyaanigu kala degganaayeen, dabadeedna noqday xadkii Laascaanood iyo Garoowe waa halka loo yaqaan geedka Yoocada. Sida aad ku aragtaan khariidada halkan ku sawiran Bixin waxay dhacdaa xagasha kor oo midig u janjeedha 49*/9*, xariiqda halkaa ka baxdaa waxay kor usii aaddaa Xamudh, Baarmadoobeeye, dabadeedna Carro Warsangeli bay halkaa ka gashaa sida aad aragtaan Higlo gaab iyo Ceel-Doofaar oo ah xuduudka Bari iyo Sanaag.

Bal aan iyana eegno “caasimadii Garoowe” oo fidaysa. Garoowe inay fiddo oo weynaato waa Ilaahay mahaddii aad baanna ugu faraxsanahay. Garoowe hadday waynaatay xaq ma u leedahay inay fiddo? Haa way u leedahay. Ma haysataa dhul ay ku fiddo oo u bannaan oo gobolka Nugaal ka tirsan? Haa waxay ku fidi kartaa dhanka Sin-u-jiif cidi kama horjoogto waana dhul bannaan oo fidsan. Dhanka bari way u fidi kartaa inta u dhexeysa Garoowe ilaa Eyl. Dhanka Koonfureed ilaa Buurtinle way u fidi kartaa. Maxaa keenay markaa in la yidhaahdo gobol kale xuduudiisa ayaa lagu fidinayaa? Arrintan waxa keliya ee lagu sifayn karaa waa damac qaawan oo aan cidna dani ugu jirin.

Maxaa xal ah haddaba?

Xalku waxa weeye in dadka iyo dalkaba loo tudho, oo la joojiyo waxyaalaha horseedi kara colaado iyo iskudhac aan loo baahnyan. Saddex qodob oo dhinaca xuduudaha ah oo saddexduba sharci ku qotomaan ayaa muhiim ah in la fahmo lana aqoonsado.

1) Xuduuddii Isticmaarku kala dhigtay, markii dawladda Soomaaliyeed dhalatayna la xalaaleeyey oo labada degmo ee Laascaanood iyo Garoowe kala noqday.
2) Xuduuddii siddeedii gobol ee xukuumadihii rayadka ahaa oo iyana sharciga ahaa.
3) Xuduuddii xukuumaddii Kacaanka ee markii horena Laascaanood iyo Garoowe u dhexeysey, markii danbena Gobollada Sool iyo Nugaal u dhexeysey.
4) Iyo ugu danbayn xadkii degaan-qabiileedka ee u dhexeeyey Xasan Ugaas iyo Nuur Axmed oo dhinac ah (Dhulbahante) iyo Ciise Maxamuud oo Majeerteen ah.

Haddii afartaa qodob oo afartuba xadka khariidaddan ku qoran waafaqsan yihiin laga tallaabsado oo damac aan sal sharci iyo mid dhaqan toonna wadan lala yimaaddo wixii ka dhasha waxa masuuliyaddeeda qaadaya Madaxweynaha Puntland ee maanta talada haya mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Waxaan maqlay in isimo Dhulbahante ahi arrinta Bixin ula tageen Madaxweyne Deni, jawaabtiisuna ay noqotay ha la iga warsugo intaan ka soo hubinayo “Inay Bixin ka tirsan tahay gobolka Sool iyo inay Gobolka Nugaal tahay”! Jawaabta madaxweynuhu waa mid aan habboonayn, waayo arrinta Bixin maaha arrin cusub oo maanta bilaabantay waa arrin soo jiitamaysay maantana waxay ahayd in Madaxweynaha mar horeba wax u kala cad yihiin, sabatoo ah:-

1) Damaca Bixin waa mid muddo soo taagnaa, dhowaan bay ahyd Bishii June 2019 markii xasaradi ka dhalatay geelal “caanoteel/barqomaal ah” oo laga lahaa Garoowe oo lagu furay isla Jeexaas.
2) Kantaroolkan cusubi wuxuu ku sinnaa ilaa badhtamihii July 2019
3) Sannadkii 2016 ayay ahayd markii sidan oo kale Kantarool iyo ciidan la geeyey aakhirkiina la dumiyey
4) Iyo tan ugu muhiimsan oo ah Madaxeynuhu waa inuu yaqaannaa Juqraafiga dhulka uu xukumo waana inuu hayaa khariidad sharciya oo ka turjumaysa xuduudaha maamulka guud ahaan iyo tan gobollada iyo degmooyinka.

Maadaama afartan qodob jiraan madaxweynuhuna xogogaal u ahaa, jawaabta madaxweynaha Puntland isimadda siiyey waxa loo qaadan karaa nin u waqti badsanaya siduu dulmigan iyo damacan qayaxan qiil ugu raadsan lahaa.

Gebagebadii:- Waxa muhiim ah inaan la isku deyin in la farageliyo ama wax laga beddelo xuduudaha degmooyinka iyo gobollada. Haddiise ujeedadii maamulka Puntland ka lahaa in bar kaantarool oo Garoowe leedahay la geeyo degaan ka mid ah gobolka Sool ay keenayso dhib ka weyn dantii markii hore la is tusay waxa muhiim ah in madaxweynaha Puntland uu dib u fekero masuuliyadna muujiyo, horseedna aanu u noqon colaado sokeeye oo dhiig ku daato iyo beelo walaaltinnimo iyo derisnimo ka dhexeysey oo foodda isla gala. Saddexda qoys ee arrintani hoos ahaan u taabanayso ee Xasan Ugaas, Nuur Axmed iyo Ciise Maxamuud waa dad weligood wada degganaa, dhulkana siday ukala degaan isla yaqaanna, caws iyo ceel iyo cashiiroba wadaaga waxaan ka digayaa inaan siyaasad xumo u horseedin isku dhac iyo colaad beeleed oo aanay kala mudnayn, dhiig Islaamna laga digtoonaado daadashadiisa.

Inta laga helayo dawlad dalka iyo dadka wada hanata oo cid walba xaqeeda marisa iyaduna masuul ka noqota oo yeelata masuuliyadda dhulka, muwaadin kastaana degi karo waxna ka noqon karo meeshii uu doono Soomaaliya iyadoo aan loo eegayn degaankii aabayaashii iyo awoowayaashii kasoo jeedeen waxa muhiim ah in la ilaaliyo xasiloonida, lagana digtoonaado wax kasta oo xasarad hor leh abuuri kara.

Waxaan odhan lahaa saaxiibkay Mudane Gebiley Ilyas Osman (Wasiirka Duulista Puntland), saaxiibkay Yassin Essa (Wasiirxigeenka Maaliyadda Puntland) Siyaasi Cabdi Qawdhan Abdi Warsame inay arrinkaas ka hawl galaan madaxweynahana kala taliyaan inaanu sabab u noqon inaanu horseedin dhib ka dhalata degaamayn cusub oo aan sharciyad haysan

F:G: Khariidaddan waxa soo bandhigay ninkii Ingiriiska uga wakiilka ahaa jeexidda xadka, waa ninkii gacantiisa ku soo suntay xadkii labada gobol ee Soomaaliyeed lagu kala deyrey, xadkaasoo markii dawladu dhalatay noqday xuduud goboleed sharciya. Halkan hoose ayaad ka daalacan kartaa.

Ref:
The Anglo-Italian Somaliland Boundary
Author(s): J. H. Stafford and C. L. Collenette
Source: The Geographical Journal, Vol. 78, No. 2 (Aug., 1931), pp. 102-121

By: Mohamoud Ibrahim (Xaaji
dalmarbilaal@gmail.com

LEAVE A REPLY