Siyaasi si Masuuliyad ku Jirto uga Talo-bixiyey Wax-ka-qabashada Dhacdadii Fiqi Ayuub

0
955

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanka Fiqi Ayuub ee Gobolka Togdheer in ay si degdeg ah oo miisaan leh wax ka qabtaan dhacdadii dilka loogu gaystay askari ka tirsanaa ciidammada booliska ee ka dhacday degaankaas horraantii toddobaadkan .

Cabdillaahi Cali Ibraahim, oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanka shaqaaqadu ka dhacday oo qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa maanta,   waxa uu sheegay in dhibaatadii ka dhacday Fiqi Ayuub ay ka dhalatay utun hore oo ka jirtay  dadka degaankaasi, isla markaana loo baahan yahay in caqli fayoobi ku jirto wax looga qabto.

Waxaanu tacsi u diray eheladda askarigii ku dhintay iska hor imaadkii dhex maray dadka degaanka Fiqi Ayuub iyo ciidamo booliska Somaliland ka tirsanaa. Isagoo xusay  in isaga laftiisu uu shaqsiyan diyaar u yahay in uu ka qayb qaato hawlaha lagu xalinayo arrintaasi.

Isagoo ugu horayn ka hadlayay u jeedadda uu shirka jaraa’id u qabtay waxa uu yidhi “Shirkaygan jaraa’id wuxuu ku saabsan yahay dhibaatadii ka soo cusboonaatay degaanka Fiqi Ayuub oo ka tirsan gobolka Togdheer, halkaasoo dhimasho iyo dhaawacba ka dhaceen.

Marka hore waxaan tacsi u dirayaa eheladda askarigii halkaas ku geeriyooday. Intii ku dhaawacan tayna waxaan ALLE SWT uga baryayaa in uu u boogo dhayo.

Waxaan aad iyo aad uga xumahay dhacdadaasi. Hase yeeshee mar haddiiba ay dhacday waajibku wuxuu ina farayaa in wax laga qabto, oo si caqli fayoobi ku jirto wax looga qabto. Wax ka qabashadaas oo degmadda, gobolka Togdheer iyo dawladaba u yaalla”.

Waxaanu intaas raaciyay in wixii dhacay la iska shaafiyo oo si caqli gal ah wax looga qabto xalinta dhacdadaasi. “Waxaan mar kale ka codsanayaa xukuumadda Somaliland iyo dadka degaanka Fiqi Ayuub, labadu-ba in ay ka hawl galaan isku-na soo dhaweeyaan dadka wada degan meesha dhibaatadu ka dhacday dhexdiisa.

Cilada-na waxay ku timid, iyadoo ahayd mid hore uga dhex jirtay dadka  degaanka. Sidaas darteed bay keentay dhibtan maanta dhacday. Markaa haddii aan si dhab ah oo fayoow wax looga qaban, waxaa dhici karta in wax  sii socda ay noqoto.

Markaa si aanay mar danbe u dhicin waxaan codsanayaa in si caqli gal ah, oo cid walba shaafidda wax looga qabto ayaan  rejaynayaa.

Wixii dhacay-na la iska shaafiyo, waayo? Naf baxday maanta ma soo celin karno. Laakiin, waa in aan ku dedaalno in aanay mar kale dib u dhicin”ayuu yidhi siyaasi C/laahi Cali.

Geesta kale Cabdilaahi Cali, wuxuu sheegay in isaga laftiisu uu shaqsiyan diyaar u yahay in uu ka qayb qaato hawlaha lagu xalinayo arrintaasi.  Waxaanu yidhi “Aniga laftaydu waxaan diyaar u ahay in aan ka qayb qaato xalinta dhibaatadda degaankaas ka jirta, oo aan tago goobta, oo wixii aan ka qaban karayo aan ka qabto.

Aniga iyo inta ila midka ah, ee xil-na ka saaran yahay, degaanka-na u dhalatay.  Waxaanan aad iyo aad isugu xil-qaamaynaa in aanu wax ka qabano xalinta arrinkaasi.

Waxaanan fariintayda u dirayaa inta xil-kaska ah ee degaankaas u dhalatay in ay u kacaan, oo ay u gurmadaan, oo ay wax ka qabtaan. Si aanay waxaas oo kale dib ugu soo noqon, oo aanay dariiq kale inoogu furin”.

Dhinaca kale wasiirkii hore ee gaashaandhiga xukuumaddii UDUB Cabdilaahi Cali Ibraahin, waxaa uu ku baaqay in ay  xukuumad iyo shacab-ba ay lagama maar-maan tahay in dadka degaankaasi laga dhex abuuro kalsooni iyo is-dhex gal cid kastoo dhib tirsanaysa la qanciyo, si aanay mar kale dhibaatadu u soo noqon.

Waxaanu yidhi “Dadka degaankaasina waxay u baahan yihiin in la isku soo dhaweeyo, oo la isku Calool xaadho, in si wanaagsan wax looga wada qabto, dawlad iyo shacab-ba, haddii aynaan is kaashan waxba lama qaban karo, wax-na lama dhamayn karo.

Waanan uga mahad naqayaa xukuumadda gacanta ay ka gaysatay wax ka qabashadda dhacdadaasi. Mar kale-na waxaan ku baaqayaa in aan hawsha intaa lagaga hadhin’e, wixii jira sidooda loo baadho, cidii dhib tabanaysa-na dhibkoodda la baadho, oo laga qanciyo.

Waxaanan codsanayaa in dadka degaanka laga dhex abuurro kalsooni iyo is-dhex gal iyo isu-soo dhawaansho. Anigoo diyaar u ah in aan wax idinkala qabto wax ka qabashadda arrintaasi”.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here