Xukuumadda Somaliland Oo Xayirtay TV-yadda Horyaal iyo Eryal

0
1119

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Xukuumadda Somaliland ayaa saaka xayiraad saartay labadda telefishan ee Horyaal tv iyo Eryal tv xarumahoodda magaaladda Hargaysa.

Waxaana subaxnimadii hore ciidamo ka socday CID ka la dul dhigay xarumaha TV-yadaasi, iyadoo weriyeyaashii iyo hawl wadeenadii kale ee goobta joogay lagu wargeliyay in aanay wax shaqo ah qaban Karin.

Masuuliyiinta telefishanadda Horyaal iyo Eryal oo tallaabadda lagu xayiray ka hadlay ayaa sheegay in aanay jirin wax sharciya oo loo keenay, balse ciidamo la dul dhigay xarumahoodii.

Labadan telefishan ayaa xarumahoodda baahinta ee koowaad ay ku yaalaan magaaladda Hargaysa.

Dhinaca kale ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa canbaareeyay xayiraadda ay xukuumadu saartay labadaas telefishan, isla markaana aan dariiq sharciga waafaqsan loo marin xayiraadda la saaray.

Waxaanay SOLJA dhacdadaasi ku tilmaantay mid lagu cabudhinayo saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland iyo xoriyatul-qowlka.

Taasoo ay u arkeen mid lidi ku ah balan qaadkii madaxweyne Muuse Biixi ee ahaa in sharcigu saraynayo.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here