Sirdoonka Somaliland oo Qabtey Baabuur U Rarnaa Kooxaha Huwanta Laascaanood

0
1926

Hargeysa (Hargeisa Press)- Hay’adda sirdoonka qaranka Somaliland ee magaceeda loo soo gaabiyo NIA, ayaa waxaa ay soo bandhigtay baabuur sida saanad ciidan oo magaalada Laascaanood ku wajahnaa.

Hay’adda Sirdoonka Somaliland oo qoraal ku baahisay baraha bulshada, ayaa waxaa ay ku sheegtay in iyadoo taageero ka helaysa bulshada ay qabatay laba Gaadhi oo sida saanad ciidan oo u rarnaa kooxaha huwanta ah ee ka dagaalama magaalada Laascaanood.

Waxaa ay sidoo kale Hay’addu sheegtay in gacanta lagu dhigay labadii Darawal ee waday gaadiidkan, waxaanay intaasi ku dartay in hay’adda iyo laamaha kale ee nabadgelyadu ay ku daba jiraan gaadiid kale oo sida saanad ciidan.

Sidoo kale, qoraalka Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA, ayaan lagu sheegin tirada saanada ay qabteen ee ay baabuurtani siday iyo weliba halka laga keenay.

Sirdoonka dowladda Somaliland, ayaa hawlagalo ay fuliyeen bilihii u danbeeyay ku soo qabqabtay dad ku eedaysan argagixiso, budhcadnimo iyo basaasnimo iyo hawlo kale, iyadoo mudo laba maalmood kahor ay Sirdoonku qabateen hub iyo saanad ciidan oo loo waday kooxaha huwanta ee ka dagaalama magaalada Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here