Sirdoonka Somaliland oo Qabtay Hub iyo Saanad Ciidan

0
1711

Burco (Hargeisa Press)- Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA, ayaa waxaa ay soo bandhigtay hub, dawooyin iyo dirays ciidan oo ay ku qabatay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Qoraal iyo sawiro ay Hay’adda Sirdoonka Somaliland ku baahisay baraha bulshada, ayaa waxaa ay ku sheegtay in ay qabatay hub iyo saanad ciidan oo loo waday kooxaha huwanta ee ka dagaalama gobolka Sool.

Sidoo kale, qoraalka Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA, ayaan lagu sheegin tirada saanada ay qabteen, halka laga keenay, iyo hadii ay jirto cid siday oo ku eedaysan in ay ku lug leeyihiin dhoofinta qalabkan ciidan.

Si kastaba, Sirdoonka dowladda Somaliland, ayaa hawlagalo ay fuliyeen bilihii u danbeeyay ku soo qabqabtay dad ku eedaysan argagixiso, budhcadnimo iyo basaasnimo iyo hawlo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here