Berbera: Ciidamadda Oo Baadi Goobaya Maydka Laba Qof Oo Baddu Liqday

0
285

Berbera (HP): Badda magaalo xeebeedka Berbera ayaa la sheegay in ay maanta Liqday laba ruux.

Labadda Ruux ayay Baddu liqday Jimcahan maanta, ka dib markii ay u dabbaal tegeen Badda magaaladda Berbera gaar ahaana meesha loo yaqaano Batalaale.

Baadi goobka Maydadka labada qof ee ay Badda Berbera liqday waxaa ku hawlan ciidammada kala duwan ee gobolka Saaxil, Ciidanka Badda, Booliska iyo kuwo ilaalada xeebaha Batallaale.

Sidoo kale boqolaal qof ayaa caawa ku sugan xeelliga Xeebta Batallaale ee Berbera, kuwaas oo baadi-goob ugu jira sidii loo heli lahaa Meydadka labadaa Ruux.

Sida ay sheegayaan wararka aanu dhacdadaasi ka helnay ilaa hadda waxaa la baadi-goobayaa Meydadka labada Qof oo muddo 48 sacadood ah ay baadhayaan Ciidanka Badda ee gobolka Saaxil.

Waloow ay jiraan caqabado dhanka Biyaha Badda ah oo xareed isu-beddelay oo waxba laga arki-waayey. Iyadoo ay Roobab waawayni ka da’ayeen todobaadyadan Berbera iyo meelo badan oo Somaliland ka mid ah.

Maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, ayaa ka digaya halista Baddu leedahay wakhti Roobabka oo biyo badani gudaha u galaan Badda.

Iyadoo na Baddu fatadahaad samaysa iyo mawjado xad-dhaaf ah si ay biyaha xareeda ah roobabka isaga saarto.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here